Maxkamadda Ciidamada oo laga furay qaar kamid ah degmoyinka gobolka Banaadir.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta laga hirgeliyey degmoyin ka mid ah magaalada Muqdisho.

Degmoyinka Yaqshid iyo Heliwaa ayaa waxaa laga furay xarumo lagu qaado dambiyada ay galaan ciidamada ka tirsan dkgaarka ah. Waxana furitaanka faracyadan timid kadib markii ay degmoyinkaasi kau soo bateen dhibaateynta shacabka rayidka ah ee ku dhaqan degmoyinkaas iyadoo rag ku labisan dareeska ciidamada ay dhibaatooyin ka geysteen degmoyinkaas.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida G/sare Muungaab oo hadal gaaban ka jeediyey xarumihii laga furay maanta maxkamada ciidamada ayaa waxa uu sheegay in

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG Gaashaanle sare Xasan Max’ed Xuseen (Mungaab) ayaa waxa uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Ciidamada DKMG gaar ahaan kuwa dhibaateeya dadka shacabka ah.

Mungaab waxa uu sheegay in kooxaha ku labisan dareeska DKMG talaabo cad laga qaado haddii ay yihiin ciidan iyo hadii kaleba, maadaama uu sheegay inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isagoo tilmaamay in aan laga yeeli doonin dadkaasi mar marsiyo sida uu hadalka u dhigay.

Gaashaanlaha ayaa ugu baaqay Ciidamada DKMG in hadda ay muhiim tahay inay ka fogaadaan dhibaateynta dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlaha Maxkamada ayna Xarumo kafuran doonto Jiidaha hore ee dagaalka iyadoonaa shaacisay in ay wax ka qaban doonto raga amniga falalka ka baxsan geysta.