Maxkamada sare oo waxba kama jiraan ku tilmaantay axsaabta siyaasadeed iyo maamul goboleedyada lagu dhawaaqay

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Caydid Ilak Xanaf ayaa sharci darro ku tilmaamay axsaabta siyaasadeed ee dalka iyo dibada loogaga dhawaaqayo iyo maamulka goboleedyada isa soo taraya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in xisbiyada kusoo badanayo dalka iyo dibadiisa ee Soomaaliya ku wajahan ay yihiin kuwo fowda ah, isaga oo maamul goboleedyadana ku sheegay wax aanan jirin oo aanan sharci aheyn.

“Waxana jeclaan laheyn in aan halkaan ka sheegno in sida fowadada ah ee logaga dhawaaqayo xisbiyada dalka iyo dibadiisa laga furayo in aysan aheyn wax sax ah, sidoo kale ma jirto wax dowlad gobleed ah oo aanan dhameyn wax ka badan laba gobol, sharciga uma aqoonsan doono axsaabtaasi iyo maamul goboleedyadaasi,”

Ilka Xanaf ayaa sheegay in si kastaba aysan sharci aheyn in waqtigaan kala guurka ah la furto xisbiyo siyaasadeed, taasi oo uu ku sheegay in loo  baahnaa waqti hore, isaga oo ka digay in ay fowdeeyaan sharciyada dalka.

Ugu danbeyntiina waxa uu sidaasi oo kale u cambaareeyey qaar ka mid ah jaamacadaha laga hirgeliyey dalka oo uu ku sifeeyey kuwo u dhisan hab qabiil.

Fowdada iyo dhibaatada waxaa ka mid ah Jaamcado beel beel ah oo la furayo, beel waliba waxay rabtaa in ay jaamacad furato, jaamacadahaasi waxaa dhaama iskuulo farsamo oo dadka wax tara, sida loo wado jaamacadaha lagu dhawaaqayo waxay keeni doontaa in la kala garan waayo kuwa qaatay shahaadada, jaamacadi aysan aqoonsan wasaarada Tacliinta sare ama jaamacadaha caalamka ma ahan mid la aqbali doono,” ayuu yiri.

Hadalada kasoo baxay gudoomiyaha maxkamada sare ayaa wadna qabad ku ah axsaab badan oo siyaasadeed oo qaarkood sanad jirsaday qaarna iminka socod barad ah, kuwaasi oo uu damac kaga jiro inay u tartamaan doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya ee dhamaadka sanadkaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Guddomiyaha Maxkamadda Sare MrIlko Xanaf wuxuu ku xadgudbey awoodii sharciyeed ee Maxkamadda Sare oo ah Hay’adda ugu sareysa ee Cadaaladda oo ah ineysan Maxkamadda go’aan ka gaari karin Dacwad aan loo gudbinin.

    Mar haddii uu go’aankiisa ka dhiibtey arrimahaas oo uu sheegaayo Mr Ilka-Xanaf waxaa ku waajibtey inuusan geli karin dhegeysiga Dacwad kasta oo ku saabsan Axsaab Siyaasadeed , Maamul Goboleed iyo Jaamacad arrinteeda umana magacaabi karo Garsoore kale dacwaddaas.

    Dhibaatada Somalia haysata ayaa ah in Nin aan lahayn aqoon Garsoore uu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kuna yimaado awood qeybsiga 4.5 taasoo dalka iyo dadkaba u horseetey bur bur iyo halaag .

Comments are closed.