Maxkamada Sare oo maanta dib xuriyadiisa usiisay Wariye C/casiis Koronto

Wariye C/casiis Koronto, oo mudo kabadan 2 bilood ku xirnaa Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta xuriyadiisa dib u helay, kadib markii maxkamada sare ay laashay xukun ka dhan ahaa.

C/casiis Koronta, ayaa markii ay maxkamada sii daysay warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay, inuu markale dib u helo xuriyadiisa.

“…Marka hore Allaah ayaa mahadaan iska leh, waana u mahad celinayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed, dadkii ka qayb galay in maanta aan Xuriyadeeyda aan dib uhelo, xuriyadaan aan maanta helayna waxay ku timid dadaal badan ay sameyeen umad badan, kuwaasoo isugu jira Soomaali iyo dad aan Soomaali ahayn,  iyagoo eegaya Xaalada meesha kajirtay…” ayuu yiri wariye C/casiis koronto.

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare Caydiid Ilkaxanaf iyo ku-xigeenadiisa ayaa dhegaystey dooda Qareenada iyo denbiga loo haysto weriyaha oo ah in uu waraystey gabar lagu magacaabo Luul Cali Cismaan, taas oo ku dodey in ciidamada dowladdu kufsadeen, gabadhaas oo maxkamadda rafcaanku sideysey.

Qareenada ayaa sheegay in waraysiga Cabdicasiis aan la siideyn aysana jirin meel lagu daabacay, xukunkiisuna uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, haddiiba la sii daayey qofkii lagu eedeeyey been-abuurka ee uu waraystey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ku-xigeenadiisa ayaa kadib wada qaatey shir u gooniya oo ay go’aan ku gaarayaaan, waxayna muddo yar kadib ku dhawaaqeen in Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim uu yahay fasax maanta wixii ka danbeeya.

Weriye Cabdicasiis ayaa markii xoriyadiisa uu heley yiri “Aad ayaan u faraxsanahay maanta, xoriyadeydi ayaan dib u helay, waxaana ku mahadinayaa dadkii ka shaqeeyey arintaas, oo ay ku jiraan qareenadeydi.

Deniga loo haystey weriye Cabdicasiis ayaa aheyd warbixin kusoo baxday website-ka Al-jazira taas oo uu sheegay in uusan ku lahayn wax qalin ah, ee waraysiga uu la yeeshay Luul Cali Cismaan uu yahay mid aan la daabicin lana dhegaysan.

Iyada oo ay adagtahay caddaaladda iyo sharciga ka jira Soomaaliya in la fahmi karo qaabka uu u socdo, ayey adagtahay in weriye Cabdicasiis Cabdinuur magdhaw iyo raali-gelinba ka dalbado muddadii xabsiga la isaga hayey taas oo ah mid caado u ah maamulada dalka ka jira.

Dacawaddan ayaa noqotey mid soo jiidatada ururada xuquuqda aadanaha ee caalamka, isla markaana noqotey boog ku taala dowladda isla markaana lagu weydiiyo goobkasta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here