Maxkamada sare oo laashay dacwad been abuur ah oo laga sameeyey maareeyaha Dakada oo la

Kadib marki ay shalay faafisay warbaahinta warqad sheegeysa in shaqada laga joojiyey maareeyaha Dakada Muqdisho ayaa waxaa warkaasi maanta beeniyey Maxkamada Sare ee dowlada.

Maxamud Cabdi Nuur (Kitaabi) oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo la hadlay maanta warfidiyeenada magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in Maxkamada Sare ay awooda ka qaaday Sayid Cali Macalin maareeyaha Dakada.

Mr Kitaabi ayaa sheegay in xeer ilaalinta aysan shaqo ku laheyn arinta ku aadan howlaha Dakada sidaasi daraadeedna uu howlihii sii wadan karo Mr Sayid Cali.

War shalay ay faafisay warbaahinta ka howlgasho magaalada Muqdisho oo uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka Maxkamada Sare ayaa lagu amaray wasaarada Gaadiidka iyo Dakadaha in ay shaqada ka joojiso maareeyaha Dakada.

Qoraalkaasi wuxuu ku eedeeyey Mr Sayid Cali inuu lunsaday lacago loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha taasi oo laga aruuriyey gaadiidka ka shaqeeyo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.