Cumar Finish ‘Go’aanka ay gaarto Maxkamada Waan Ku Qancayaa’

Maxkamada sare ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay soo saarto go,aanki ugu danbeeyey ee ku aadan xildhibaanada loo diiday baarlamaanka.

Xildhibaanadan oo ah 16 mudane ayaa dacwad ka dhan ah Gudiga Farsamada u gudbiyey Maxkamada Sare taasi oo labadi maalin ee lasoo dhaafay arrintaasi ku jirtay.

Dacwada oo qasneyd shalay iyo doraad marki ay diideen Gudiga Farsamada in ay Maxkamada hortagaan ayaa la sheegayaa in maanta warki ugu danbeeyey arimahaasi kasoo bixi doonaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Abukaate Caydid Ilkaxanaf ayaa xalay u sheegay wariyaasha in wada hadalo uu la qaatay madaxda dalka ay iskula afgarteen in go,aanka maanta lasoo saaro.

Mid ka mid ah xildhibaanada lagu dhaganyahay Cumar Finish oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay koox gaar ah ay jidgooyo u dhigteen xaquuqdoodi muwaadinnimo taasi oo ah wax aanan la qaadan karin buu yiri.

Cumar Finish ayaa carabka ku dhajiyey in ay aqbi doonaan go,aan walba oo kasoo baxa Maxkamada oo ay maanta ka war dhowrayaan.

Xubnahan ayey gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka ku eedeeyeen in ay yihiin dagaal oogayaal dalka soo qasay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here