Maxkamada Sare oo 24-ka saac ee soo aadan go,aan ka gaareyso xildhibaanada laga reebay baarlamaanka (Dhageyso)

Maxkamada sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa go,aan ka gaari doonto 24-ka saac ee soo aadan xildhibaanadi ay soo celiyeen gudiga farsamada.

Kulan ay xalay Muqdisho ku yeesheen saxiixayaasha Roadmap-ka qaarkood oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Sharif, Ra’isulwasaaraha iyo Gudoomiyihi hore ee Baarlamaanka Sharif Xasan Sheekh Aadan.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaxtooyada ayuu Sheekh Shariif ku sheegay in ay isla garteen in 24-ka saac ee soo aadan ay go,aan ka gaarto maxkamada sare ee Soomaaliya xildhibaanada la celiyey.

Shirka Jaraa’id oo Dhameystiran Dhageyso

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/08/shjaraidmaxweynaha.mp3″]

“Waxaan shaki ku jirin gudiga maanta waxaan heysanaa baarlamaan marka gaba gabadi waxaan rabnaa in ay ku dhamaato si nadaamsan, dadki ay gudiga soo celiyeen qaabki ugu haboon waxay noqotay in maxkamada sare lagu wareejiyo maxaa yeelay dadkaanw aa Soomaali, walibana dad badan oo ka mid ah waxay qeyb ka ahaayeen qaabka nabada ee dalka marka sidaas ayaan isla garanay maxkamadana ay go,aan ka gaarto,” ayuu yiri Shariifka.

Xildhibaanadan oo u badan taageerayaasha madaxweynaha ayaa arintoodu noqotay mid siyaasadeysan oo xitaa maalimihi lasoo dhaafay ay soo fara gelisay beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sadex kulan oo uu la qaatay wakiilo ka socday beesha caalamka ku adkeystay in ay waajib tahay in qof aysan maxkamad ku helin danbi laga dhigo danbiile loona diido xaqiisa muwaadinimo.

Gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka ayaa u cuskaday xildhibaanada la celiyey qaar buuxin waayey shuruudihi laga rabay kuwaasi oo ay ka mid yihiin in ay ahaayeen dagaal oogayaal iyo qaar aanan heysan shahaado dugsi sare.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here