Maxkamada Sare Ee Soomaaliya oo Shaqadii Ka Ceyrisay Sadex Garsoore

Maxkamada Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ilaa sadex Garsoore laga ceyriyay shaqadii ay maxkamada u hayeen ka dib markii sida la sheegay sadexdaasi Garsoore lagu helay dambiya ah inay xabsiga ka siidaayeen nin gacan ku dhiigle ah oo dil u geystay labo qof oo u shaqeenayay hay’ada MSF kuwaasoo bisghii December ee sanadkii 2011 lagu dilay xaafada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay maxkamadu sameysay ka dib la soo ogaaday in sadexdaasi Garsoore ee shaqada la eryay ay go’aan iyagu u gaar ah ku gaareen inay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ka siidaayaan nin sida la sheegay horay uga mid ahaa shaqaalaha MSF ee Muqdisho kaasoo dil u geystay labo dhakhtar oo ajnabi ahaa oo u kaladhashay wadamada Indonesia iyo Belgium.

“Sadexdaasi nin ee ka tirsanaa maxkamada sare waxaan soo cadeynay in inaty fariisteen ay go’aansadeen inay siidaayaan gacan ku dhiigle ku xukunaa 30-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed, sidaa darteed dambi ayay maxkamada ka galeen,”ayuu yiri Ilka Xanaf.

29-bishii December ee sanadkii 2011 ayay ahayd markii xarunta hay’ada MSF ee degmada Wadajir uu qof bastoolad ku hubeysan uu ku toogtay labo dhakhtar oo ka tirsanaa hay’ada MSF ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here