Maxkamada Racfaanka G/banaadir oo sii deysay Haweeneey sheegtay in lakufsaday

Maxkamada Racfaanka G/banaadir, ayaa maanta waxay sii deysay haweeneey sheegtay in ay kufsadeen rag katirsan Ciidanka doowlada oo ay horay maxkamada gobolka banaadir ugu xukuntay hal sano oo xarig ah, iyada iyo wariye C/casiis oo isagu ahaa wariyihii wareystay.

Arinta layaabka leh ayaa ahayd in maxkamada racfaanka ay markale xukun lix bilood ah ku riday wariye C/casiis Koronto, waxayna maxkamada ku eedeeysay in wareysigii uu gabadha sheegtay la kufsaday ka qaaday uu gurigiisa iska dhigtay.

Madasha maxkamada oo ay maanta xaadireen wariyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho,qareenada u doodaya wariyaha,masuuliyiinta maxkamada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday go’aanka kama danbeysta ah ee ku saabsan dacwada Wariye C/casiis Koronto waxaana lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah.

Maxkamada ayaa u cuskatay xariga lagu xukumay wariyaha inuu C/casiis ku xadgudbay sharciga isla markaane uu shab qaldan u maray wareysiga uu la yeeshay Luul oo ah haweeneydii sheegatay iney kufsi u geysteen askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo iyada maanta ay maxkamadu fasaxday kadib markii ay sheegtay iney ku weysay dacwadii lagu soo eedeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here