Maxkamada ICC oo go,aamisay in lasoo xiro afar siyaasi oo caan ka ah Kenya

War dag dag ah oo goor dhaweyd kasoo baxay Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaalka ee ICC ayaa lagu sheegay in afar siyaasi oo Kenyan ah la hor keeno maxkamada si su,aalo loogaga weydiiyo rabshadihi ka dhacay Kenya doorashadi 2007 kadib.

Afarta nin ayaa waxaa ku jiro Ra’isulwasaare ku xigeenka Uhuru Kenyatta iyo William Ruto oo ah wasiirki hore ee waxbarashada Kenya, waxaana loo heystaa danbiyo ka dhan ah bani,aadannimada oo ay ku jiraan dil iyo kufsi.

In ka badan 1,200 oo ruux ayaa lagu dilay qalalaaso ka socday dalka Kenya todobaadyo taasi oo ka danbeeysay natiijada doorashadi lagu murmay ee dalkaasi ka dhacday sanadki 2007.

Ilaa iyo 600,000 oo ruux ayey ku qasabtay rabshadaha in ay ka cararaan guryahooda.

Rabshadaha ayaa bilowday marki ay isku dhaceen taageerayaasha labadi murashax ee doorashadaasi Raila Odinga iyo Mwai Kibaki.

Mr Kenyatta, oo taageere u ahaa Mr Kibaki, waxaa lagu eedeeyey inuu soo abaabulay olole qalalaase oo ka dhan ahaa taageerayaasha Odinga, waxaa ku jiray dil iyo kufsi loo geystay qabiilka uu kasoo jeedo Ra’isulwasaare Odinga.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in uu la kulmay xubno ka tirsan kooxda gaangistarada ah ee Mungiki kuwaasi oo ay isku qaabileen carwo laga tukaameysto oo ku taala magaalada Nairobi isaga oo ku dhiiri geliyey in ay sameeyaan weeraro.

Mr Kenyatta, oo ah wiila madaxweynihi ugu horeeyey ee dalka Kenya Jomo Kenyatta, ayaa rajeynayana inuu isu soo taago doorashada madaxweynaha dalka Kenya ee soo aada, iyadoo dadka xeel dheerayaasha ay sheegayaan inuu heysto fursad uu ugu guuleysan karo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.