Maxkamada Gobolka Banaadir oo 15 sano oo xarig ah ku xakuntay Dr. Cali Yare

Maxkamada Gobolka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta 15 sano oo xarig ah ku xakuntay Dr. Cali Maxamed Yusuf (Cali Yare)  oo ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Maxkamada ayaa kusoo oogtay dacwado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen ku takri falid awood uusan lahey, inuu amar ku bixiyey in la xiro gudoomiyaha maxkamada sare, ku takri falid hanti qaran iyo mid shaqsi iyo inuu laalay sharciga.

Marki ay xakunka rideysay maxkamada muusan joogin Dr. Cali Yare waxaase ciidanka amar lagu siiyey in lasoo xiro oo xabsiga la dhigo.

Maxkamada waxa kale oo ay go,aamisay in xilki laga qaaday, hada kadibna uusan waligiis xil ka qaban garin xeer ilaalinta xitaa uusan noqon karin abuukaate.

Arinta mas,uulkaan ayey dad badani ku tilmaameen mid kasoo bilaabatay dagaal xaga afka ah oo ka dhaxeeyey Dr. Cali Yare iyo gudoomiyaha maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf iyaga marar kala duwan idaacadaha iska cambaareeyey.

Dhawaan Cali Yare wuxuu sheegay in Ilkaxanaf uu ka danbeeyo dacwadan lagu soo furay isaga oo ku tilmaamay wax aanan sharci aheyn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.