Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo Xukuno ku riday Rag Burcad badeeda

Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Bari Gudoomiyaheeda Sheekh Aadan Axmad Max’ed ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xukuno lagu riday qaar kamida Rag ku eedaysan Burcad badeednimo.

Ragaani ayaa waxaa lagasoo qabtay meel kudhow Magaalada Garacad waxaana ay dagaal kala horyimaadeen Ciidamo halkaasi hawlgal kawaday.

Eedaysanayaashaan ayaa kadib Dagaalka ay kudifaacayeen Markab ay halkaasi kuhayteen waxaa u suura gashay Ciidamada inay gacanta kusoo dhigaan.

Guud ahaantirada ragaani ayaa waxaa ay gaaraysay ilaa 20 Qof waxaana ka dhintay 3 Ninka halka 3 kalana Gacanta lagusoo dhigay waxaana ilaa iyo haatan aanan Gacanta lagusoo dhigin 17 Nin oo baxsatay.

Markabkii ay Ragaani Burcad badeeda ah hayteen ayaa lagasoo furtay waxaana Ragii Markabkaasi saarnaa loo gudbiyay Wadamadii ay kazoo jeedeen.

Sheekh Aadan Axmad Max’ed ayaa waxaa uu sheegay in kadib markii ay Maxkamadu dhagaysatay Xeer Ilaalinta , Qareenkii ragaasi udoodayay iyo Eedaysanayaasha laf ahaantooda , kadib markii ay Maxkamadu aragtay Qodobadii lagusoo eedeeyay ee qaanuunka iyo Shareecada islaamaka waxaa

ay qabto waxaa Maxkamadu ay kuriday Eedaysanayaasha  xukuno kala duwan oo isugu jira Dil , Xabsi Daaim , iyo Xabsi Sanado ah.

Maxkamadu ayaa ku xukuntay Nin lagu Magacaabo Max’ed Macalin oo dilay midkamida Ragii Markabka Saarnaa Dhagahana kajaray Ninkale Dil toogasho iyadoo ninkaasina haataan aanan Gacanta lagu hayn.

Khaalid oo isaguna Burcad badeeda kamid ahaa islamarkaana aanan haatan Gacanta lagu hayn waxaa lagu xukumay Xabsi daaim.

Waxaa sidoo kale Maxkamadu ay 10 sano oo Xabsi ah iyo 50.000.000 Sh.s oo ganaaxa ku xukuntay 12 Nin oo aan Gacanta aan lagu hayn iyo laba Nin oo kamid ah Raga lasoo qabtay waxaana Maxkamadu ay Sayid ciise oo kamid ah Raga Gacanta lagu hayo kuxukuntay 3 sano oo xariga iyo 50.000.000 SH.S oo ganaaxa.

Ugu danbayntiina Hubkii ay ragasi wateen oo isugu jiray 5 aake 47 ah iyo 1 beekaa em ayaa waxaa lagu xukumay inay Dawladu lawareegayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here