Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukuno ku riday Askar katirsan Ciidanka Doowlada

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxay xukuno ku riday rag katirsan ciidamada milatariga, ragaan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 askari ayay maxkamadu ku xukuntay xarig gaaraya ilaa iyo 5 sano.

Xukunkaan maxkamada Milatariga riday ayaa galabta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana ragaan la xukumay ay kamid ahaayeen 20 eedeeysane oo iyagana ay Ciidamada amaanka soo qabteen xili ay ku hoowlanaayeen falal isugu jira dhac iyo Kufsi.

Sadexdaan Askari ee galabta maxkamada milatariga xukuntay ayaa isbuucii hore waxay kufsi kula kaceen gabdho yar yar oo kusugnaa hareeraha magaalada Afgooye.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay dareyskii Ciidammada ee ay ragaan ku labisnaayeen, qoryihii ay wax ku dhaceen iyo hantidii ay dhaceen oo kala aheyd 916,000 sh,so Camera Video ,telefoonnada gacanta oo Seddex xabo ah kuwaasi oo ay Maxkamaddu u xukuntay dadkii lahaa in dib loogu celiyo hantidooda maadaama gacanta lagusoo dhigay waxyar kadib markii ay dhaceen gaari rakaab ah.

Magacyada Askartaan maxkamadu xukuntay ayaa waxaa lakala yiraahdaa, Cumar Nuur Xuseen Axmed,Salaad Cabdulle Axmed Taakoow iyo Cabdi Yuusuf Maxamed Gacal waxaana Seddexdoodaba ay Maxkamaddu ku xukuntay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Degmooyinka Afgooye iyo Marka oo qayb ka ah shabeelada Hoose, ayaa meelaha ugu daran ee dadka dagan dhibaatooyin kala duwan isuguna jira, dhac, Kufsi iyo dilal kala kulmaan rag ku labisan dareeska Ciidamada, mana jirto tallaabo muuqato oo ay ilaa iyo hadda ka qabatay doowlada.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

1 COMMENT

  1. asc. madaxda maxkamada ciidanka inta ey xukun ku ridi laheyd myaaney ka fiicneyn in ey wacyi galin joogto ah ku sameeyaan inta aan loo dirin shaqada laga rabo in uu fuliyo waayo askariga waa in aw kala yaqano wajibkiisa iyo waxa uu xaq u leeyahay askariga mida kale waxaa lagu yaqiin ciidanka inta aan shaqada loo dirin subax kasta waa la soo safi jiray aan shaqo loo dirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here