Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukuno kala Duwan ku Riday Askar

Xilli shacabka kunool qaar kamid ah Gobalada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ay kasoo yeeraysay cabashooyin kala duwan oo ku aadan dhibaatooyin ay ciidamada Dowladda Soomaaliya kala kulmaan ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida ay wax fulisay xukuno kala duwan.

Dadka xukunka lagu riday ayaa waxa ay gaarayaan tiradoda todobo ruux kuwaasi oo afar kamid ah ay yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya laguna helay dambiyo kala duwan kadib markii baaritaano lagu sameeyay.

Sidoo kale saddexda ruux ee kale ayaa waxaa ku jirtay qof haweenay ah kuwaasi oo iyana xukuno kala duwan ay ku riday maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya.

Gaashaanle dhexe Xasan C/raxmaan Aadan oo kamid ah masuuliyiinta maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maxkamada horteeda kaa aqriyay dambuiyada ay galeen dadka lasoo qabtay.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow wuxuu ku dhawaaqay Xukunka lagu riday todobada ruux ee afarta kamid ah ay yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda SOomaaliya ayaa fulisa xukunada caynkaan oo kale ah oo lagu rido askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here