Maxkamada Ciidamada oo ballanqaaday in ay gacanta ku soo dhigi doonto ciddii ka dambaysay dilkii weriye C/salaan Xiis.

Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Gaashaanle sare Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay dilkii loo geystey weriye C/salaan Shiikh Xasan Xiis oo dhowaan nin xiran dareyska ciidamada ku diley magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamada Muungaab waxa  uu sheegay in xeer ilaalinta Maxkamada ciidamadu ay wado baaritaano ay ku dooneyso inay ku soo hesho cidii ka dambaysay dilkii weriye C/salaan Shiikh Xasan, haddii ay ku guuleysatana ay marsiin doonto sharciga cidii ka dambaysay dilka iyo kuwii soo abaabulayba.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Col Xasan Maxamed Xuseen waxa  uu ballan qaaday in marka gacanta lagu soo dhigo in lagu toogan doono halkii uu ku toogtay weriyaha ee ahayd waddo dhex marta degmada  Xamar jabjab.

Guddoomiyaha maxkamadda waxa uu tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoday marxuum Cabdisalaan Shiikh Xasan iyo dhamaanba bahda saxaafadda.

Warkan ka soo baxay guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay maxkmadda ciidamada ka soo saarto weriye si xaq darro ah loogu diley dalka Soomaliya.

Waxaana jirta in weriyayaal badan ay naftooda ku waayeen iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo gudaha dalka Soomaaliya welina aysan jirin cid loo soo qabtay dilalkaas.