Maxkamad Mareykan ah oo 12 jeer oo xabsi daa,in ah ku xakuntay nin Soomaali ah

Maxkamada fadaraaliga ee dalka Mareykanka ayaa 12 jeer oo xabsi daa,in ah ku xakuntay Mohamed Shibin oo ahaa mid ka mid ah ragi dalaaliinta u ahaa burcad badeeda Soomaalida.
Xakunkan ayey maxkamadu u cuskatay doorki uu Shibin ku lahaa afduub loo geestay markab ganacsi oo laga leeyahay Jarmalka iyo sidoo kale doon kuwa dalxiiska ah oo Mareykanka laga lahaa.

Shibin ayaa u ahaa burcad badeedka ninka la hadlay oo la xaajooda dowladaha laga heysto dadka iyo maraakiibta si ay lacago u dhiibaan, waxaana jagadaasi uu ku qaadan jiray lacago dhan $50,000 sida maxkamadu sheegtay.
Afar ruux oo Mareykan ah ayey burcad badeedu toogasho ku dileen sanadki 2011 xilli dadkaasi ay la socdeen markab kuwa dalxiiska ah, waxaana ay dhinteen dagaal dhex maray burcad badeeda iyo ciidamada Mareykanka.

Dacwad oogayaasha ayaa dalbanayo hada in dil toogasho ah lagu xakumo sadex nin oo lagu eedeeyey in ay toogteen lamanayaasha Mareykanka ahaa ee dooniga lagu dilay, halka 11 kalana lagu xakumay xabsi daa,in.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here