Maxkamad ku Taal Ceeri-gaabo oo ganaax dul dhigtay Kaluumeysato Yeman u dhalatay

Ilaa iyo 19 Kaluumeysato u dhalatay wadanka Yeman ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku xirnaay magaalada Ceeri-gaabo, waxaana Kaluumeysatadan gacanta ku dhigay Ciidanka ilaalada xeebaha G/sanaag, ee Somaliland, waxaana lagu eedeeyay ineey si sharci darro ah kaga Kaluumeysanayeen badda maamulka Somaliland.

Arintaan ayaa keentay in markii hore maxkamad lagu saaro magaalo xeebeedka Meyd, hase ahaatee kadib markii garyaqankii u doodayay Kaluumeeysatadan uu racfaan ka qaatay xukunkaa hore, waxaa maanta dacwada kaluumeeysatadan loo haysto dhagaystay oo go’aan kasoo saartay maxkamada gobolka ay ku taalo ee Ceeri-gaabo, waxayna ku xukuntay ganax kor udhaafaya ilaa iyo 3,000$ in ay bixiyaan, islamarkaasna waxaa Kaluunkii ay wateen la wareegay Ciidamada badda ee Somaliland.

Maxkamada G/sanaag ayaa meesha ka saartay, Xukuno hore oo xarig ahaa, waxayna xuriyadoodii usoo celisay Kalumeysatadan .

Garyqaanka kalumeystada Yeman u dhashay u doodayay, Cali Saciid Jaamac, oo VOA wareysi siinayay ayaa sheegay in Kaluumeysatadan laxiray ay waraaqo ogolaasho ah ka haystaan saraakiisha Maaliyada eek u sugan magaalada Laas-qoray, hadii ay wax dhimanyihiina waxa uu sheegay ineey ku xiranyihiin dhinaca Xukuumadda.

Xukunka lagu riday ayuu qarenka ku micneeyay mid u muuqanaya tacadi, sidoo kale waxa uu sheegay in Kaluumeysatadan xuriyadooda loo soo celiyay, hadane sifo aan sharci ahayn markale loo xiray , taas oo uu ku eedeeyay in taliska Ciidanka Asluubta oo waraaq laa’aan markale xabsiga u taxaabay Kaluumeysatadan Yeman u dhalatay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here