Maxbuus Falastiini ah oo u geeriyooday jirdil ay u gaysteen Askarta Srael

Ramallah(Falastin):Masuuliyiinta reer Falastin ayaa sheegay in maxbuuska Carafaat Jardaad, oo ku xirnaa mid kamid ah xabsiyada Srael uu dhintay kadib markii ay jirdil xoogan u gaysteen Ciidamada Yuhuuda, balse uusan u dhiman xanuun dhanka wadanaha ah oo ay markii hore sheegeen saraakiisha Srael.

Wasiirka falastiin u qaabilsan arimaha lahaystayaasha reer Falastiin eek u xiran xabsiyada Srael, oo saxaafada shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in baaris lagu sameeyay maydka Carafaat ay ku ogaadeen inuu u dhintay jirdil ay askarta Srael u gaysteen, wadnihiisuna uu aad u wanaagsanyahay.

“Baarista lagu sameeyay wadnaha Carafaat, waxaa cadaatay inuu nadiif yahay, laakiin jirkiisa qaybo kamid ah, sida sanka hoostiisa, wajiga qaybta midig, xabadka iyo meelo kaleba waxaa ka muuqday dhaawacyo cul culus”.

Carafaat, oo 30 jir ahaa markii uu dhimanayay ayaa waxaa la qabtay sanad kahor, waxaana qabashadiisa sabab u ahaa isku dhacyo daanta galbeed ku dhexmaray Srael iyo Falastiin.

Kadib geerida Carafaat Jaradaad, ayaa waxaa cuntada ka soomay in kabadan 4,000 oo maxaabiis rer Falastiin ah kuwaasoo ku xiran xabsiyada Yuhuuda.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here