Maxay Wargeysyada qoreen maanta?

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Shabakadda Midnimo.com, waxaan u soo gudbineynaa maanta oo Axad ah, wararkii u dambeeyay ee ciyaaraha aduunka oo ay qoreen wargaysyada iyo wakaaladaha adduunka.

Haddaba wargayska ugu horreeya waa Bild oo ka soo baxa dalka Germalka, wuxuu qoray Dortmund oo indhaha ku heysa in ay heshiis la gasho Pizarro.

Naadiga Borussia Dortmund ayaa ku dhow in ay la soo wareegto weerar yahanka kooxda Bayern Claudio Pizarro xilli ciyaareedka soo socda.

Chelsea oo kula loolameysa Galatasaray Xidigga garabka uga ciyaara kooxda Atletico Arda Turan

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray Axada maanta ah in Chelsea ay ku dedaaleyso siddi ay ula soo wareegi lahayd xidigga garabka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Arda Turan.

Chelsea waxaa kaloo kula tartameysa Turan kooxda Turkiga ka dhisan ee Galatasaray, taasoo iyadana damacsan.

26-jirkan ayaa gacan ka siiyay kooxda Spain in ay ku guuleesato koobka Copa del Rey toddobaadkii, waxaana kooxda Atletico Madrid ay ku rabta lacag aad u badan, maadama uu dalab badan u yimid.

Zidane oo noqonaya maamulaha Spoorts-ka Madrid

Wargeyska AS ee ka soo baxa dalka Spain, ayaa qoray in xidiggii horre ee reer France Zinedine Zidane uu caawin doono macalinka cusub ee  Real Madrid ee Carlo Ancelotti.

Laakin maamulaha kooxda Florentino Perez, ayaa wuxuu lee yahay Zidane in uu noqon doono maamulaha ciyaaraha kooxda.

Diego Lopez oo ka tagaya Real Madrid

Wargayska Marca ee ka soo baxa dalka Spain,ayaa sheegaya in goolhayaha Calician uu sheegay in uu ka tagayo kooxda Real Madrid, waxaana wargeesyada dalka Spain ay lee yihiin waxaa meeshaas fursad uga soo baxayso Iker Casillas oo laga dhigay goolhayaha labaad ee kooxda intii uu joogay kooxda Mourinho.

Casillas ayaa fursad ka heli doona macalinka cusub ee loo dhibayo kooxda Los Bolonkuska.

Leonardo oo loo badinayo in uu noqdo macalinka kooxda PSG

Wargeyska L’Equipe ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa leh waxa loo badinayaa in maamulka ciyaaraha kooxda Paris Saint-Germain uu noqon doono macalinka bedalaya Carlo Ancelotti oo kooxda isaga tagaya xilli ciyaareedka soo socoda.

Fiorentina oo ku soo biirtay kooxaha raadineysa Burak Yilmaz

Wargeyska Sabaax ee ka soo baxa dalka Qadar,ayaa qoray Axada maanta ah in  kooxda Fiorentina ay damacsan tahay in ay la soo wareegto weerar yahanka kooxda Galatasaray,  Burak Yilmaz.

Kooxda Talyaaniga ayaa weysay Stevan Jovetic, xidiggan reer Montaneegaro waxaa la lee yahay wuxuu ku soo jeeda Ingiriiska iyo Arsenal.

Kooxda Viola ayaa soo bandhigtay €15 million oo ay ku rabto xidigga reer Turkey ee Yilmaz.

Milan oo waardiyo ka heesa Honda iyo Thiago Alcantara

Wargeyska Tuttosport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Milan ee dalka Talyaaniga ay ku tala jirto in ay la timaado xidigga CSKA Moscow, Keisuke Honda, kaasoo ay ku badalaya Kevin-Prince Boateng ee AC Milan.  Sidoo kale Milan ayaa rabta xidigga kooxda Barcelona Thiago Alcantara .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com 

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here