Maxay wargeysyada qoreen maanta?

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Shabakadda Midnimo.com, waxaan u soo gudbineynaa wararkii u dambeeyay ee wargaysyada iyo wakaaladaha adduunka ay ka qoreen dhinaca ciyaaraha.

Warbixinta ugu horreysa ayaa ah : Jesus Navas oo doonaya in uu ku biiro Real Madrid

Wargeyska AS ee ka soo baxa dalka Spain ayaa qoray Arbacada maanta ah in ciyaaryahanka reer Spain, Jesus Navas uu u daneenayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaagan.

Si kastaba waxa uu lee yahay wargeyska xidigga kooxda Sevilla waxaa wada-hadal la furtay kooxda Manchester City si ay u soo iibsato.

Hugo Lloris iyo Mandanda, oo ay la wareegtay kooxda Monaco

Wargeyska Le Parisien ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in goolhayaha kooxda Barcelona, Victor Valdes in uu ku dhow yahay in uu heshiis la gaaray kooxda Monaco, laakin kooxda ka ciyaarta horiyaalka Faransiiska Ligue 1ayaa isku diyaarineysa in ay la soo waregto xiddigaaha Tottenham Hugo Lloris iyo Marseille’s Steve Mandanda kuwaas oo qayb ka ah la soo wareegitaanka Valdes haddii uu guul daereesto.

Lyon oo ku baadigoobeyso €5m Corchia

Bogga RMC wuxuu qoray in xidigga difaaca midig Sochaux, Ssbastien Corchia in uu ku dhow yahay in uu wareego kooxda Lyon,waxaana kooxda Faransiiska ay ku rabta €5 million, laakin waxaa kaloo ciyaaryahankan dooneysa kooxda Ingiriiska ee Arsenal.

Arturo Vidal oo diyaar la ah in uu sii joogo Juventus illaa 2018

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Arturo Vidal uu soo gabagabeeyay warar sheegaya in uu ka tagayo kooxda ku guuleesatay horiyaalka xilli ciyaareedkan.

Xidigga reer Chile ayaa la sheegay in uu u socdo dalka Jermalka iyo kooxda Bayern Munich , balse wuxuu dhammadka bisha July ee sannadkan uu saxiixi doonaa heshiis cusub oo gaaraya ilaa 2018-ka.

Rijkaard iyo Seedorf oo la badinayo in ay noqdaan tababarayaasha Milan

Wargeyska Corriere dello Sport, ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa qoray in Frank Rijkaard iyo Clarence Seedorf loo badinayo in midkood uu qabto shaqada uu hayo Massimiliano Allegri oo tababare ka ah Milan, wargeyska ayaa leh labadan nin waxa ay lee yihiin khibrad ay ku maamuli karaan kooxda.

Juventus oo aad u rabta Jovetic

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in kooxda Arsenal oo aad u rabta ciyaaryahanka Fiorentina Stevan Jovetic, laakin kooxda Gunners -ka waxa ay diiddan tahay lacagta ay rabto kooxda Serie

Fiorentina ayaa ku rabta €29 million., laakin waxa ay lee dahay Gunners waxaan bixinenyaa €23m arrintaas waxaa loo cabsi qabaa in ay ka faa’ideesato Juventus.

Spurs oo wada-hadal la fureysa David Villa

Wargeyska Daily Mirror ayaa qoray in kooxda Tottenham ay raadineyso weerar yahanka Barcelona, David Villa kaasoo ay ku rabto in ka badan £12 million.

Tababare Andre Villas-Boas ayaa ku rajo wayn in uu keeno xidiggan reer Spain garoonka White Hart Lane

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here