Maxay Wargeysyada Mananta Qoreen?

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran boggan Shabakadda Midnimo waxaan maanta oo Arbaca ah u soo gudbineynaa wararkii u dambeeyay ee wargeysyada caalamku ka qoreen dhinaca cayaaraha Yurub.

Wargeyska ugu horreeya waa Daily Telegraph, wuxuu qoray Arsenal oo €22.5m ku raadineyso Higuain

Wargeyska ayaa wuxuu le eyahay kooxda Arsenal ayaa ku baadi-goobeyska adduun lacageed €22.5 million si ay u hesho weerar yahanka Real Madrid, Gonzalo Higuain xagaaggan.

Telegraph ayaa leh tababare Arsene Wenger ayaa hadda gacanta loo galiyay €82.5m si uu kharash gareeyo xagaaga soo socda oo uu ku soo iibsado ciyaartoy lagoo xoojinayao kooxda.

Wargeyska Corriere dello Sport ayaa isna qoray Napoli oo indhaha ku heysa Dzeko iyo Torres

Wargeyska ayaa leh kooxda Talyaaniga ee Napoli ayaa il gooni ku waardiyeesanaysa tababaraha kooxda Chelsea Rafa Benitez, kaasoo ay u badan tahay in uu noqdo macalinka xilli ciyaaredka dambe qabanaya kooxda maamulkeeda.

Sidoo kale kooxda ayaa dooneysa in ay la soo wargeero ciyaaryahanka reer Spain ee Fernando Torres iyo xidigga kale ee kooxda Manchester City Edin Dzeko.

Markanna waa Wargeyska kale waa Le Parisien oo ka soo baxa dalka Faransiiska.

Wargeyska ayaa qoray Benitez, Blanc ama Leonardo oo badeli doona Ancelotti

Kooxda PSG ayaa hadda suuqa ka raadineysa tababaraha badeli doona macalinka ku sii jeeda kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti kaasoo u socda dalka Spain.

Kooxda Faransiiska waxa ay hadda u aragtaa in booskaas uu buuxin karo tababarayaasha kala ah Rafa Benitez, Laurent Blanc ama Leonardo.

Bale oo raba £200k toddobaadkii haddii uu sii joogayo Spurs

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in Gareth Bale uu dalbaday £200,000 toddobaadkii in la siiyo si uu u sii joogo kooxda Tottenham xilli ciyaareedka soo socda.

Heshiiskan ciyaaryahanka qadka waa mid ka mid ah xidiggaha lacagaha uga badan qaata.

Ugu dambeen Liverpool oo kor u qaaday baadigoobka Kolo Toure

Wargeyska Various  ayaa qoray Arbacada maanta ah in kooxda Liverpool ay kordhisay dedaalkeeda ku saabsan siddii ay u soo xero gashan lahayd difaaca kooxda Manchester City Kolo Toure.

32-sanno jirkan ayaa heli doonaa £120,000-toddobaadkii seddax meelood labo ayaa loo badinayaa in uu heli doono haddii uu ku soo biiro garoonka Anfield.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here