Maxay wargeysyada maanta ka qoreen suuqa ciyaartoyda qaaradda Yurub?

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran shabakadda Midnimo, waxaan u soo gudbineynaa maanta oo Isniin ah [06.05.2013] wararkii u dambeeyay ee ciyaaraha kubadda cagta Yurub oo ay ka qoreen wargeysyada ugu waaweyn ee adduunka.

Haddaba warbixinta ugu horreysa waxaa ay tahay: Ronaldo oo raba in uu dib ugu laabto Manchester United

Warkan oo uu qoray wargeyska Daily Star, xidigga kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa qoray in uu dib in ku laabto kooxdiisii hore ee Manchester United.

Hadalkan ayaa soo baxay markii ay tilaameen milkiilayaasha kooxda in dib loo soo celin doono inta badan ciyaartoydii hore ee kooxda, maadama ay u diyaariyeen £65 million.

Juventus oo idhaha ku heysa Higuain

Sida uu qoray Isniinta maanta ah, wargeyska La Gazzetta dello Sport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga, macalinka kooxda Juventus, Antonio Conte ayaa doonaya mar haddii ay ku guuleesteen horiyaalkii 2-aad ee dalka Talyaaniga ,in kooxda lagu sameeyo isbadal lana keeno garoonka Turino ciyaartoy cusub.

Macalin Conte ayaa maamulka Juventus u sheegay in la keeno kooxda weerar yahanka kooxda Real Madrid, Gonzalo Higuain.

Higuain ayaa ka mid ah xidiggaha liiska ugu jirra kooxda Talyaaniga, oo damacsan tahay in la soo shir tagto xilli ciyaareedka soo socoda.

Leverkusen oo bartimaameedsaneya Aubameyang

Sida uu qoray wargeyska Mercato, weerar yahanka kooxda Saint-Etienne, Pierre-Emerick Aubameyang,ayaa waxaa laga jecelyahay dalka Jermalka iyo kooxda Bayer Leverkusen.

Ciyaaryahanka Aubameyang ayaa waxaa kaloo ka mid ah kooxaha baadi goobaya ee ka ciyaara horiyaalka Bundesliga, kooxda  Borussia Dortmund, , waxaa kaloo xidigan ku taamaya la soo wareegitaankiisa kooxaha Inter, Fiorentina iyo Newcastle.

Dortmund oo dooneysa in Chelsea ay ka iibiyaan Lewandowski

Sida uu qoray wargeyska Daily Star. Kooxda Borussia Dortmund ayaa dooneysa in Chelsea ay ku wareejiso xidigga suuqa qabsaday Robert Lewandowski.

Xidggan waxaa kaloo doon-doonaya kooxaha Bayern Munich iyo Manchester United.

Laakin sida uu lee yahay wargeyska warkan qoray, kooxda Germalka waxa ay dooneysaa in uu heshiiska ka mid noqdo Kevin De Bruyne.

Liverpool oo la soo wareegtay Douglas

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Naadiga Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay la soo wareegtay difaaca reer  Brazil, Douglas ayna u aragto in uu  badali karo difaaca tabarta ay dhigtay Jamie Carragher , kaaso shaaciyay in uu ciyaaraha ka fadhiisan doono xilli ciyaareedka soo socda,

Si kastaba, kooxda Reds waxa ay wajaheysaa tartan ka immaanaya kooxda Inter.

Ancelotti oo u sheegay PSG in uu joogayo

Sida uu lee yahay RMC, markii ay soo dhammaatay ciyaartii dhexmartay PSG iyo kooxda Valenciennes oo katirsaneed horiyaalka Faransiiska Liiqa One, oo ku dhammaatay 1 iyo 1.

Carlo Ancelotti ayaa dadka wararka fidiya u sheegay in ciyaartoyda iyo maamulka kooxda PSG uu ku wargaliyay in uu sii joogay magaalada Paris xilli ciyaareedka soo socda, kaddib markii uu soo baxay warar duul-duulaya oo soo galay suuqa, kaasoo ah in uu ku sii jeedoo kooxda Real Madrid.

Milan oo diyaar la ah in ay qaab xor ah kula wareegto Kolo Toure

Sida uu qoray wargeyska Tuttosport, ee ka soo baxa dalka Talyaaniga, difaaca kooxda Manchester City, Kolo Toure ayaa u muuqda in uu ka dhaqaajin doono garoonka Itixaad, sababta waxa ay tahay in uu dhammaaday heshiiska uu kula joogayo kooxda.

Xidigga reer  Ivory Cost wuxuu ku sii jeedaa Talyaaniga iyo kooxda Milan, oo difaac u baahan.

Kolarov oo ka tagaya Manchester Cit

Dhinaca kale, wargeyska Daily Mail ayaa isna leh, difaaca kale ee Manchester City, Aleksandar Kolarov ayaa ka tagaya kooxda marka uu dhammaado xilli ciyaareedka.

Ciyaaryahanka reer  Serbia ayaa is qabtay isaga macalinkiisa Roberto Mancini, waxaana ay u badan tahay in uu ku socdo dalka Talyaaniga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here