Maxay wargeysyada maanta ciyaaraha ka qoreen ?

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran shabakadda Midnimo waxaan maanta oo Sabti ah [04.05.2013] u soo gudbineynaa warbixinadii ugu dambeeyay ay qoreen wargeysyada caalamka ee ku saabsan dhinaca ciyaaraya.

Qoddobka ugu horreeya wuxuu yahay: Mourinho oo ku baaqay Lewandowski in la keeno Chelsea

Tababaraha reer Portuguese, ee lee liyaha kooxda Real madrid ayaa madaxda kooxda Chelsea kula taliyay in ay ka soo wareegaan weerar yahanka kooxda Borusia, kaasoo afar gool ka dhaliyay kooxda Real Madrid.

Wargeyska Marca oo warbixintan qoray ayaa wuxuu lee yahay Mourinho ayaa ku baaqay in la keeno Chelsea xilli ciyaareedka soo socda

Galatasaray oo la soo wareegstay Podolski

Weerar yahanka kooxda Arsenal Lukas Podolski ayaa wakiilkiisa wuxuu shaaciyay in ku biiray kooxda Turkiga ee Galatasaray.

Warbixintan oo uu qoray wargeyska Metro waxaa kaloo lagu sheegay in xidigga reer Germal uu ka tagi doono waqooyiga London, isagoo ku biro kooxda ay la joogaan Didier Drogba iyo Wesley Sneijder.

Benitez oo lala xirinaayo kooxda PSG

Tababaraha kooxda Chelsea ayaa u sharraxan in uu badalo tababaraha kooxda Fransiiska ee Carlo Ancelotti.

Warbixintan oo uu qoray wargeyska Daily Mirror, waxaa kaloo lagu sheegay in kooxda Paris Saint-Germain ay hadda u baahan tahay tababare cusub. Waayo macalinkooda reer Talyaani ayaa ku sii jeeda kooxda Real Madrid, maadama kooxda uu ka tagaayo Jose Mourinho.

Juventus oo ku dhow in ay la soo wareegto xidigga kooxda Liverpool Suarez

Kooxda Talyaaniga Bianconeri ayaa ku jirta isku daygeedii ugu dambeeyay oo ay kula soo waregeyso weerar yahanka reer Uruguay,

Warbixinta oo uu qoray Jariirada La Stampa kooxda Talyaaniga ayaa ka hore xiriir toos ah la sameeyay wakiilka Pere Guardiola.

Roma oo ku gacan seertay dalab uga yimid Manchester City oo ah in ay la wareegto Lamela

Sida ay lee dahay Mediaset, kooxda Roma ayaa ku gacan seertay £17 million si loogu wareejiyo Manchester City kubad sameeyaha reer Argentina Erik Lamela,

Kooxda ayaa hadda ciyaaryahanka u kordhisay heshiiska uu kula joogo.

Ancelotti oo u socda Madrid

Sida qortay Sabtida maanta ah, jariirada AS ee ka soo baxda dalka Spain macalinka kooxda Paris Saint-Germain ayaa loo badinayaa in uu badalo tababaraha aan salka badan ku joogin Real Madrid, Morinhbo kaasoo dib ugu noqonaya dalka Ingiriiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here