Maxay wargeysyada ka qoreen ciyaaraha?

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Midni.com, waxaan u soo gudbineynaa maanta oo Sabti ah [14-09-2013], wararkii u dambeeyay ee wargeyada ka qoreen ciyaaraha Yurub.

Sport-section-cover-001Aan ku billowno: Llorente oo laga yaabo in uu aado Barcelona

Wargeyska Sport ee ka soo baxa dalka Spain, ayaa qoray in weerar yahanka kooxda Juventus, Fernando Llorente uu ku dhow yahay in uu aado kooxda Barcelona.

Labad koox ilaa hadda wax war ah kama soo bixin.

Menez & Pastore oo diyaar u ah kulanka Olympiakos

Wargeyska Le Parisien, ayaa qoray in xidigaha Jérémy Ménez iyo Javier Pastore, ay ku soo laabteen garoomada kaddib markii in mudda ah ay dhaawacnaayeen.

Labadan xidig ayaa la sheegay in ay ciyaari doonaan kulanka koobka kooxaha qaarada Yurub ee Champions League oo kooxdooda PSG’ ay la lee dahay kooxda Olympiakos Salaasada toddobadkan.

Juve oo la soo wareegi rabta Gilardino & Traore

Sida uu qoray wargeyska Tuttosport ee ka soo baxa dalka Talyaanniga, Fernando Llorente ayaa loo badinayaa in uu ka tago  Juventus isagoo qaab amaah uu uga tago bisha January.

Kooxda ayaa dooneysa in ay booskaas ay ku badasho Alberto Gilardino iyo Lacina Traorè.

Hernanes oo Arsenal ay dooneyso

Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa qoray Sabtida maanta ah in kooxda Arsenal ay dooneyso xidigga qadka dhexe ee Lazio  Hernanes.

Tabbabaraha kooxda Arsenal, Wenger ayaa dhawaan la soo wareegay Mesut Ozil, kaasoo uu ka keenay kooxda Real Madrid.

Hernanes, ayaa loo badinayaa in loo kordhiyo heshiirka uu kula joogayo kooxda Lazio .

Arsenal oo rabta Patrick Olsen

Wargeyska talkSPORT, ayaa qoray in  kooxda Arsenal ay dooneyso xidigga qadka dhexe ee Inter ee Patrick Olsen kooxda Arsenal ayaa ku doonneysa xidigga da’da yer qaab ammaah.

Chelsea oo heshiis cusub la galeyso John Terry

Wargeyska Metro, ayaa qoray in kooxda Chelsea ay heshiis cusub la gaari doonto difaacooda John Terry.

Sidoo kale,  kooxda The Blues-ka waxa ay rabtaa difaaca Sheffield United, Harry Maguire kaasoo loo badanayo in uu u wareego  garoonka Stamford Bridge bisha January.

Roma oo rabta Holtby iyo Sandro

Wargeyska talkSPORT, ayaa qoray in kooxda Roma ay isku dayday Lewis Holtby iyo Sandro kuwaasoo ka imaanaya  Tottenham balse waa marka la gaaro  January.

Iniesta oo diidday in uu heshiis cusub la gaaro Barcelona

Wargeyska Marca, ayaa qoray in Andres Iniesta uu diidday heshiis cusub oo la gaaro Barcelona. Xidiga qadka dhexe ayaa la doonayay in uu dadajiyo heshiiska kooxda new contract Catalans.

Totti oo heshiis cusub la gaaray Roma

Wargeyska La Gazzetta dello Sport, ayaa qoray in Francesco Totti uu kordhiyay heshiiska uu kula joogo kooxda Roma.

Wuxuu la jooga kooxda Roma ilaa 2013-ka, taasna waxa ay micnaheedu tahay in uu sii joogayo ilaa 40 uu ka gaarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here