Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Shabakadda Midnimo, waxaan u soo gudbineynaa maanta oo Sabti ah wararkii u dambeeyay ee wargeysyada caalamka ay ka qoreen dhinaca ciyaaraha.
Warbixinta ugu horreysay waxaa qoray Bogga ESPN Brasil ayaa qoray maanta oo Sabti ah in Neymar uu heshiis la galay kooxda Barcelona
Weerar yahanka kooxda Santos, Neymar ayaa si rasmi ah loo dhaaciyay in uu heshii la gaaray kooxda Barcelon, waxaana heshiiska Neymar uu la galay lagu sheegay in uu gaarayo shan sanno, waxaana mushaarkiisa uu gaari doono €28 million.
21-sanno jirkan ayaa sannadka soo socda si rasmi ugu biiri doona kooxda heesata horiyaalka dalla Spain.
Benitez oo qalinka ku duugay hesiis labo sanno ah oo uu kula joogayo kooxda Napoli
Sida uu qoray Sky Sport Italia tababarihii horre kooxda Chelsea, Rafael Benitez ayaa heshiis labo sanno ah oo la gaaray kooxda Talyaaniga Napoli.
Madaxweynaha kooxda Aurelio De Laurentiis ayaa xaqiijiyay in ay heshiis la gaareen macalinka reer Spian.
Mourinho oo doonaya in la keeno Isco kooxda Chelsea
Jariirada AS, ee dalka Spain ee AS ayaa qortay Sabtida maanta ah in tababare Jose Mourinho uu doonayo in ay kala soo wareegaan weerar yahanka kooxda Malaga Isco.
Ciyaaryahanka striker is wanted by the Portuguese’s former club but Mou wants him to sign for Chelsea.
Galatasaray oo rabtat Nani iyo Terry
Wargeyska Xurriya ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa qoray in kooxda heesata horiyaalka Dalkaas ee Galatasaray ay idhaha ku heyso xidiggaha kooxaha Manchester United Nani iyo Chelsea’s John Terry.
Kooxda ayaa xoojineysa cududeeda iyadoo ay la joogaan xidiggo muhiim ah Didier Drogba iyo Wesley Sneijder.
Moutinho iyo Falcao oo ku biiray kooxda Monaco
Wargeyska Mercato ayaa qoray Sabtida maanta ah in kooxda Monaco ay la soo wareegtay xidigga Porto Joao Moutinho iyo Radamel Falcao kuwaasoo ay ku soo qaadatay €70 million.
Benitez oo doona Torres iyo Ramires in uu keeno Napoli
Wargeyska Corriere dello Sport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in tababaraha cusub ee kooxda Napoli Rafael Benitez uu damacsan yahay in uu kooxda keeno ciyaartoy qaarkoodna ka imaanaya kooxda uu ka soo tagay ee Chelsea.
Ciyaartoyda la magacaabay waxaa ka mid ah Fernando Torres iyo Ramires
Monaco oo €30m ku baadigoobeysa Kompany
Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingisiiska ayaa leh kooxda Faransiiska ee Monaco ayaa kor u qaaday lacagta ay ku doobeyso kabtanka naadiga Manchester City ee Vincent Kompany.
Kooxda Faransiiska ayaa hadda miiska soo bandhigtay €30 million si ay u hesho xidigga reer Belgium, ciyaaryahankan waxaa kaloo raadinaya Barcelona.
Chelsea oo beegsaneysa Turan
Kooxda Chelsea ayaa dedaal ballaarin galineysa siddii ay ula soo wareegi lahayd xidigga qadka dhexe ee koooxda Atletico Madrid Arda Turan
Wargeyska Daily Mailt ayaa wuxuu lee yahay xidiggan wuxuu ku dhow yahay in uu ka dego garoonka kooxda Stanford Briage.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com