Maxay Wargeysyada ay ka qoreen maanta dhinaca Cayaaraha?

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran shabakadda Mindimo, waxaan maanta oo Isniin ah u soo gudbineynaa wararkii u dambeeyay ee wargaysada adduunku, ka qoreen dhinaca ciyaaraha qaaradda Yurub, waxaan maanta idiin soo aruurinay qoddobo xiiso leh oo aad jecleesan doontaan in shaa allah.

Qoddobka ugu horreeya waxa weeye PSG oo rabta Mancini

Wargayska L’Equipe ee ka soo baxa dalka Faransiiska, ayaa qoray Isniinta maanta ah, in kooxda PSG ay indhaha ku heyso tababare Mancini.

Wargayska ayaa leh macalinka koxda Manchester City ayaa ku jirra liis dheer oo laga helay kooxda ku guuleesatay horiyaalka dalka Faransiiska, kuwaasoo laga yaabo in ay badalaan tababarasha hadda jooga  Carlo Ancelotti, sidoo kale Claudio Ranieri ayaa ka mid ah macalimiinta sharraxan kaasoo waqti ku soo qaatay kooxda Monaco.

Inter oo qorsheeneysa in ay la soo wareegto goolhayaha -Handanovic

Wargayska Corriere dello Sport ayaa qoray in kooxda Talyaaniga ee Inter Milan ay  baadigoobeyso gool haye Samir Handanovic.

Inter Milan ayaa soo bandhigtay 30-milyan oo Bond waxaana ay ku rabtaa gool hayaha dalka Slovenia.

Heshiiska ciyaaryahankan waxaa ku jirra Cesc Fabregas kaasoo ay u badan tahay in uu wareego kooxda ka dhisan garoonka Giuseppe Meazza.

Liverpool oo wada-hadal kula jirta difaaca Lille Digne

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, ee ka soo baxa dalka Ingiriiska kooxda Liverpool ayaa wada-hadal kula jirta diifa dambe ee kooxda Lille Lucas Digne, laakin waxaa jirra loolan ka imaanaya dalka Spain.

Liverpool ayaa soo bandhigtay €9.5m

Roma oo ku rajo wayn  Mazzarri in ay u magacowdo tababaraha cusub

Wargayska Corriere dello Sport ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa qoray tababaraha kooxda Napoli in uu ku dhow yahay in loo magacaabo macalinka cusub ee kooxda Roma.

Sida laga xigtay saraakiil ku sugann Roma, maamulka kooxda Jaala Roosi ayaa kulan la qaatay Mazzarri, waxaana ay ku qalqaaliyeen in loo dhiibo shaqada kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga.

Laakin wargayska warkan qoray ayaa leh kooxda ayaa billowday in ay heshiis cusubn la gasho Mazzarri.

 Higuain oo ku dhow in uu ku biiro kooxda Juventus

Sida uu qoray  wargayska Corriere dello Sport , oo ka soo baxa dalka Talyaaniga, ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa u muuqda in uu u dhow yahay ka tigitaanka kooxda Spain ee Real Madrid, waayo wuxuu hadda wada-hadal la galay kooxda horiyaalka Taltaaniga ku guulesatay ee Juventus

Mourinho oo damacsan in uu Khedira keeno Chelsea

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, Haddii Jose Mourinho uu la wareegoo shaqada kooxda Chelsea, waxa ay u badnaan doontaa in uu go’aan ka gaaro dhowr ciyaartoy oo hadda ka ciyaara kooxda Real Madrid.

Waxaana ka mid ah xidiggaha uu keeni doono garoonka Stamford Bridge ciyaaryahanka qadka dhexe ee Sami Khedira waxaana ay u badan tahay in uu lagu wareejiyo £20 million.

Manchester United oo dooneysa in Benzema uu badalo Rooney     

Wargayska The Sun ayaa wuxuu lee yahay tababaraha cusub ee kooxda Man United David Moyes ayaa durba maskaxda ku xardhay in uu la soo wareego weerar yahanka koxda Real Madrid, Karim Benzema.

Wargayska ayaa leh wuxuu noqon doonaa ciyaaryahanka reer France xidiggii ugu horreeyay ee Moyes keeno kooxda, tan iyo markii uu shaqada kala wareegay tababarihii horre Sir Alex.

Tabarihii horre ayaa isna sheegay lacagta lagu iibiyo Wayne Rooney in £30 million oo ka mid ah lagula soo wareegi doono  Benzema.

Qaybo kale oo wararkan kala soco shabakadda Midnimo oo markasta diyaar la ah in ay soo aruuriyaan warbixino ay ka muuqdaan khibrad iyo tayo.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here