Maxay Wargaysyada maanta ka qoreen dhinaca ciyaaraha?

Akhristayaasha sharrafta leh ee Shabakadda Midnimo, waxaan caawa u soo gudbineynaa wararkii u dambeeyay ee wargaysda caalamka ay ka qoreen dhinaca ciyaaraha.

Warbixinada aan idiin soo uruurinay waxaa ka mid ah : Dortmund oo fasaxaysa De Bruyne

Sida uu qoray wargayska Bild ee ka soo baxa dalka Germalka , kooxda Borussia Dortmund ayaa heshiis hordhac lagashay naadiga Chelsea.

Heshiiska labada koox ayaa wuxuu salka ku hayaa in ciyaaryahanka Kevin De Bruyne uu kuu wareego kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska.

Waxaana kooxda Jermalka ay ka heli doontaa naadiga The Blues-ka 15-Milyan oo Bound.

Xidigga reer Belgian

Marseille oo dooneysa Damiao

Wargayska L’Equipe ee ka soo baxa dalka Faraniiska ayaa qoray in xidigga reer Brazil, Leandro Damiao uu ku dhow yahay in uu saldhigto horiyaalka dalka Fransiiska ee Ligue 1.

Sidoo kale, Marseille ayaa loolan kala kulmeysa Napoli, taasoo siddoo kale xiiseeneysa weeraryahanka.

Bayern oo ku dhow in ay la soo wareegto Neymar?

Sida uu lee yahay wargeyska Spox Saraakiil ku sugan dalka Brazil ayaa sheegay in xidigga kooxda Santos Neymar uu ku dhow yahay in uu wareego kooxda Bayern Munich oo dhawaan ku guuleesatay horiyaalka.

Waxaana Neymar uu u wareegi doonaa bisha August.

Moyes iyo Rooney oo wada-hadal uu u socdo

Wargayska The Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska David Moyes iyo weerar yahanka kooxda Man Un Wayne Rooney ayaa la filayaa in ay wada-hadal yeeshaan, taasoo ku aadan mustaqbalka kooxda Manchester United.

Sida ay lee dahay The Times tababaraha reer Scotish ayaa badalaya macalinkii horre Sir Alex Ferguson.

Lampard oo lagu soo billaabi doono Fiinalka Europa League

Dhaawacyada soo gaaray Eden Hazard iyo John Obi Mikel waxa uu lamacno yahay in  Frank Lampard uu ku soo billowdo tartanka kooxaha qaaradda Yurub Europa Leaguefinal oo ay Arbacada la ciyaari doonaan kooxda Benfica

Wargayska Daily Mirror ayaa qoray Salaasada maanta ah in John Terry uu maqnaan doono ciyaarta habeen dambe.

Arsenal oo heshiis cusub lagaleysa Wilshere

Wargayska Daily Mail ayaa qoray in xidigga kooxda Arsene Wenger Jack Wilshere uu heshiis lagaarayo naadiga Gunnerska

Man City oo baadigoob ugu jirta Robben

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, kooxda Manchester City ayaa kutala jirta in ay la soo wareegto xiddiga kooxda Bayern Munich Arjen Robben, kaasoo la sheegay in uu ku taamayo in uu ka tago kooxda marka loo dhiibo shaqada maamulka Guardiola.

Kadhiibo Fikirkaaga qoraalkan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here