Maxay Wargaysyada maanta ka qoreen ciyaaraha?

Akhiristayaasha sharrafta leh ee ku xiran shakabakadda Mindimo, waxaan badnaa u soo gudbinaa wararka iyo warbixinada ay qoraan wargeysyada ugu caan san adduunyada, gaar ahaan kuwa ka faalooda arrimaha cayaaraha.

Haddaba Sabtida maanta ah waxaana idiin heynaa dhowr qoddobo waxaana ka mid ah: Chelsea oo ka soo afduuban rabto Man Utd ciyaar Ronaldo

Sida uu qoray Sabtida maanta ah Wargayska Daily Mail, kooxda Chelsea ayaa aad xiiso ugu qabta xidigga kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo kaasoo hadda lee yahay wuxuu ku soo jeeda dalka Ingiriiska iyo kooxdii kal hore u ciyaari jiray ee Manchester United.

Ciyaaryahan reer Portugal ayaa qiimaha ugu fadhiyo lagu sheegay £80 million,waana mid ka mid ah xidiggaha uu liska ku darsaday Jose Mourinho in uu keeno garoonka Stamford Bridge .

Arsenal oo ku dhow in la la soo wareegto gool-haye Julio Cesar

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, kooxda Arsenal ayaa ku dhow in la soo wareegto gool-hayaha kooxda QPR Julio Cesar.

Sida uu lee yahay wargeyska 33-sanno jirkan ayaa  heli jiray adduun lacag oo gaaraya £70,000 toddobaadkii intii uu joogay garoonka Loftus Road,laakin macalin kooxda QPR Harry Redknapp wuxuu lee yahay ciyaaryahanka wuu baxayaa dhammaadka xilli ciyaareedka hadda socda.

Reina oo ka mid noqday ciyaartoyda Barca ay dooneysot

Wargeyska Daily Mirror ayaa qoray in goolhayaha kooxda Liverpool Pepe Reina uu ka mid yahay xidiggaha Barcelona ay damacsan tahay in ay xaggaagan la wareegto.

Fiorentina oo rabta Torres & Dzeko

Sida uu qoray talkSPORT, kooxda Talyaaniga ee Fiorentina ayaa damacsan in ay la soo wareegto weerar yahanka kooxda Chelsea Fernando Torres ama Manchester City’ ciyaaryahanka u ciyaara ee Edin Dzeko haddii uu ka tago Stevan Jovetic dhammaadka xilli ciyaaredkan uu dhammaado.

Benitez oo loo ballan qaaday £250k bonus

Wargayska Daily Mail ayaa qoray Sabtida maanta ah in tababare Rafa Benitez loo ballan qaaday £250,000 bonus haddii Chelsea uu habnti ka dhigtay in ay gasho kaalinta 3-aad horiyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Labadan koox ayaa ku kala jirra kaalmaha seddaxaad iyo afaraad, kooxda Chelsea ayaa 37-kulan oo ay ciyaartay waxaa loo diiwangaliyay  72, halka    Arsenal oo Afaraad ku jirta ay iyana ka keentay 37-kulan ilaa 70.

Wariyaasha ciyaaraha, waxa ay lee yihiin kooxda  Tottenham Hotspur ayaa iyana uu damac kaga jiraa in ugu yaraan ay fursad ka hesho hardanka labadan koox, waayo 69 dhibcood ay iyana lee dahay.

Weerar yahanaka kooxda Manchester City Tevez oo ku sii jeeda Juventus

Sida uu lee yahay Hilinka Sky Sport Italia Kooxda Juventus ayaa xiriir toos la sameestay wakiilka ciyaaryahan Tevez.

Weerar yahanka reer Manchester City ayaa ka mid ah dhowr ciyaartoy oo u diiwangashan Naadiga Bianconeri’, waxaana ka mid ah Gonzalo Higuain iyo Stevan Jovetic

Ugu dambeen Wargeysyada qoddobada aan maanta idinku heyno waxaa ka mid ah Sanogo oo heshiis la gaaray kooxda Arsenal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here