MAXAY U DAYACDAY DOQONTA??.!!

Ficilladda Xun ee ay ku kacaan Dumarka qaar waxaa dhacda in ay ku fidnoobaan oo ay ku fadeexoobaan Aduun & aaqiroba taasoo u keeni karta in ay bulshadda ka takoornaaddaan Illaahna kaga carooddo.

Waxaa dhacdo mararka qaar in ay dhacdo Dumarka qaar si anshax daro ah oo ay ku sameeyaan ficil xun ka dibna si sharci daro ku uuroobaan, ka dibna ku kacdo danbi ka weyn kan ay gashay oo ah in ay isku daydo in ay iska soo tuurto ilmaha oo ay qarash badan ku bixiso soo tuuridiisa iyadoon aan ku fakarin nafta ay jareyso.

Mararka qaar waxaa dhacdo in kuwa ka mid ah dumarkaas fidnoobay ay awoodi waayaan in ay iska soo tuuraan oo uu canuga xiligii uu Illaah ugu tallagay 9 bilood & sug’a dhameesto ka dibna marka ay dhasho ku tuurtaa meel qashin ah Canugii ay dhashay iyaddoo ka carareysa Ceebta Canuga Aabe la,aanta ah, balse aan ogeyn aaqiro waxa ka danbeeya.

–9/6/2012 maalin sabti ah waagana si fiican u Dilaacin walibana xagaay aan sidaa u xooganey oo dhaxan badan wato da’ayo, lagu arkay wiilkan quruxda  badan ee aad u jeedaan oo ay soo dhigtay sida la sheegay tu aan duceysneyn oo aan xuquuqda bin’iaadamka wax ka aqoon tii Illaahna ilowday.

Wiilkan waxaa lagu arkay meel wadada dhinaceedda ah waxaana ay aheyd qoftii ugu horeysa ee aragata gabar shaah ku iibisa meesha lasoo dhigay agteedda degmada wadajir.

Gabadhi shaaha gadeysay waxa ay maqashay qeylo ilmo yar ah oo aysan waligeed meesha ka maqal markii ay sii daba gashayna waxa ay aragtay canug yar oo xundhurtiisa ku taalo oo meesha bac yar & maro xun oo baati ah ku daboolan oo WIII WIII leh,.

Gabadhii shaaha gadeysay way soo xambaartay sida ay noo sheegtay wayna ilmeysay waxa ay la yaabtay qoftii arxan daradda sameysay ee dhaxantan kusoo tuurtay canugan, ma suurto galin ay dad badan arkaan maadaama ay xili subax fijir ah aheyd saanta dadkuna wali sidaa socod u billaaban.

Gabadhu ma aheyn gabar sidaa u ladan oo shaaha ay meesha ku kariso ayaa nolol maal meed u ah walibana waxa ay ku korisaa sadex wiil oo aabahood waa hore dhintay.

Iyaddoo tallo ku cakarintahay canugii aan afka qabaneyn oo oohinta iska wado ayeey talo kusoo dhacday gabadhii Shaahleyda aheyd, waxa ayna soo wacday gabar deris la ah oo ay aad isugu fiican yihiin taasoo Xubin ka ah Ururka Hormarinta Hooyada & Dhalaanka MATERNAL MERCY & DEVELOPMENT ORGANIZATION (MMD)  Marwo Yaasmiin Yuusuf waxa ayna u sheegtay arintii Marwo Yasmin si ay u hubsato waa ay soodhaqaajisay waxa nay usoo ruqaansatay dhankii gabadha Shaahleyda maadaama wax yar isu jiraan, waxa ayna aragtay sidii wax loogu sheegay.

Gabadhii shaaha waxa ay tiri “Illaah baan ku dhaartay hadaan awoodi lahaa manta inaan koriyo canuga cidna uma sheegen ee dhibka jira waxa uu yahay Khutul yoonkeyga & kan sadexdeyda wiil ayaan si dhib ah ku hellaa mana kafaali qaadi karo Canugan waayo caanihiisa u dhigma naaska ee la siiyo dhallaanka waa qaali oo aniga uma bareeri karo ee wallaaley Addaa meelaha u gal gali karee wiilkan ee wallaashey xafid oo Illaah hakula garab galo waana u jeeddaa xiligan dhaxanta dhaceyso dadkiina wali masoo toosin e”

Sidii ayeey hada ku haysaa marwo Yaasmiin maalintaas oo hada dhoor cishaha ah laga joogana xaaladiisa aad ayeey u fiican tahay inankaas waxaana soo aragnay mar aan booqanay daraad, mar aan weydiinay cida ku kaalmeyso waxa ay ku gaabsatay waxa uu ka mid yahay Caruurteyda mana jirto cid iga caawiso caanihiisa balse ilmaheyga ayuu ka mid yahay waana soo dhoweynayaa Ciddii si Insaanimo wax igu soo kordhineysa, Illaah (SW) ayaana ka baraa inuu illa koriyo oo ka dhigo kii dalkiisa & dadkiisa anfaca, mar aan weydiinay magaca ay u bixisay waxa ay inoo sheegtay ROOB DA’AY in ay ugu magacowday dhawaana loo waqlali doono haduu Alle Yiraahdo.

Hadaba wixii faah faahin ah kala xiriir hadaad rabto inaad wax badan ka ogaato xaalada wiilkan sida uu ku sugan yahay MarwoYaasmiin Yusuf oo ah DIRECTOR OF
CHILDREN AFFAIRS_ Maternal Mercy Tel: +25261-5327997 E-mail: maternalmercy@yahoo.com