Maxay tahay Sirta ku hoos duugan in Puntland ay taageerto Xulufada Sacuudiga & Imaaraadka?

War qoraal ah oo shalay kasoo baxay Maamul Goboleedka Puntland, ayaa waxeey ku sheegeen ineey taageersanyihiin lana jiraan Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iyagu xiriirka u jaray Dalka aadka u yare e Qatar.

Wasaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay VOA-da ayaa lagu yiri “Waxaanu garowsanay in mushkiladda ka taagan Khaliijka Carabta aanu xalkeeda dhoweyn, saameyn dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ahna ay ku yeelan karto Somalia, sidaa daraadeedna ay Puntland aaminsantahay in mowqifkeeda uu cadyahay oo ay ku mowqif tahay saaxibadeeda Sacuudiga iyo Imaaraadka”

Puntland ayaa u sababeysay go’aankan in muddo dheer ay iskaashi dhinaca dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta ah la laheyd Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Qoraalkan ayaa lagu yiri in Puntland ay ku boorineyso dowladda federaalka ah inay beddesho mowqifkii dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatay murankan, kaasoo baa lagu yiri qoraalka “haddii aan la beddelin saameyn fog ayuu ku yeelan kara shacabka Soomaaliyeed.”

Hadaba Go’aanka ay qaadatay Puntland ayaa kusoo aaday, xili Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada si khaas ah loogu casumey Xajka in ay sanadkan ka qayb-qaataan? Sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa xili shirkadda weyn ee DP World ay la wareegeyso Dekadda Bosaso lacag hormarin ahna u bixisey $15 milyan oo dollar, go’aanka Puntland wuxuu kale oo ku soo beegmayaa xilli dowladda Imaaraadku ay qorsheyneyso in ay dib u bilowdo taageerada ciidanka Puntland ee ee Ilaalada badda ee PMPF, kaas oo hakad galey marar kala duwan.

Cabdi Weli Gaas ayaa booqasho ku tegay dalka Sucuudiga bishii Abril 2016, waxaana uu kala yimid ballanqaad aad u weyn sida uu dhankiisa sheegay sida dhismayaal dekado iyo jidad iyo weliba maalgashiga beeraha iyo Kaluumyesiga, ma jirto wax ka fuley ballan qaadka Madaxweynuhu sheegay in uu Sucuudiga kala yimid.

Puntland waxay kamid tahay Soomaaliya maaha dal madaxbanaan oo go’aankiisu uu wax ka beddeli karo siyaasadaha caalamka waxaa dhici karta in ay cadaadis saarto Dowladda Dhexe ee Soomaaliya u metesha siyaasadda dibadda.

Bishii Juun 2017 ayaa Sucuudiga, Isutagga Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar xiriirka u jareen dalka Qatar, waxaana ay ku soo rogeen cunno qabetyn dhankasta ah, Sucuudiga ayaa ugu baaqey dalalka ay saaxiibka yihiin ay sameeyaan sidaas oo kale waxaana daba galay dalal badan oo ay kamid yihiin Jabuuti iyo Sinigaal sidoo kale Jamhuuriyadda iskeed isu magacaabtey ee Somaliland (Waqooyiga Somaaliya) ayaa iyaduna isla maalmahaas ku dhawaaqdey in ay taageertey xulafada Sucuudiga.

Waxaa Diyaariyay: Bashiir Addow Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here