Maxay Somaliland ka tiri waxyaabihii kasoo baxay shirka London?

Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland, Maxamed C/laahi Cumar, ayaa sheegay in war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii shalay kusoo gaba gaboobay xaruunta dalka Ingiriiska ee London, inuu yahay mid ay soo dhaweeynayaan ayna tageersanyihiin, maadaama qadobadii kasoo baxay iyo waxyaabihii looga hadlayay ay ahaayeen kuwo doowlada federaalka Soomaaliya danteeda ah.

“…Waxaanu u rajeeyneeynaa in lagu guuleysto arimihii laga wada hadlay, waxaana anagu markasto jecelnahay in arimaha Soomaaliya ay guul ku dhamaadaan” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland.

Wasiirka, ayaa sheegay in maamulkooda ay aad usoo dhaweeynayaan war murtiyeedka gaar ahaan qodobka Siyaasada, kaasoo lagu soo dhaweeyay wadahadaladii dhexmaray doowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Maxamed C/lahi Cumar, ayaa sidoo kale sheegay in shirkii shalay uu u muuqaal ekaa mid quseeya doowlada Soomaaliya oo kaliya, hadii ay iyagu ka qeyb galilahaayeena gooni isku taagooda uu mugdi gali lahaa.

“…Shirka sidii aanu horayba u cadeeynay war murtiyeedkiisana ka muuqatay, wuxuu qaas u ahaa arimaha maanta horyaala Soomaaliya, oo nabad galyo xumida ay kamid tahay iyo sidii uu aduunka arintaas gacan uga siin lahaa, marka arintaasi arin Somaliland quseeysa maaha, waa arin aanu jecelnahay In Soomaaliya ay ku guuleeysato” sidaa waxaa yiri wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa iyadu horay uq aadacday shirkii shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada London,kaasoo diirada lagu saarayay sidii loo taageeri lahaa doowlada Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com