Maxay ku waabariisatay saakay xaalada deegaanadi lagu dagaalamay ee duleedka Muqdisho

Xaalad daganaasho oo aanan caga adag ku taagneyn ayaa saakay ka jirto deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha oo shalay oo dhan ku dagaalamayeen ciidamada dowlada oo kaashanaya AMISOM iyo AL Shabaab.

Inkastoo aanan wax rasaas ah la maqleyn hadana waxaa dhici karta in mar daqiiqad walba ay dagaalamaan maadaama ay is hor fadhiyaan dhinacyada dagaalamay.

Al Shabaab ayaa la sheegayaa in uu xalay u yimid gurmad badan, halka dowlada ay geysay ciidamo kale oo dheeraad ah iyo AMISOM oo badisay gaadiidkeedka dagaalka.

Dagaalki shalay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo dhinacyadi dagaalamay ah, waxaana yaraa qasaaraha rayidka maadaama ay ku yaraayeen meelaha lagu dagaalamay shacabka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.