Maxay ku dhammaatay cayaartii Somalia & Tanzania ?

T3

Waxaa goordhow soo dhammaatay cayaartii kooxaha Soomaaliya iyo Tanzania ee ka soo cotay garoonka Nyanyo National Stadium oo ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xulka Soomaaliya ayaa galabta soo bandhigay cayaar aad u xiiso badan, waxaana ay si fiican isaga celiyeen cayaartoyda xulka Tanzania kuwaasoo sannadkii horre uga badiyay  7-gool iyo 0.

Qaybtii horre cayaara waxa ay ku dhammaatay 0 iyo 0, waxaana markii dib la isugu soo laabtay cayaarta macalinka xulka qaranka Soomaaliya, Maxamed Cabdulle Farayarre uu sameeyay is badal isagoona keenay cayaaryahanka kooxda LLPP Jeenyo Maxamed Meema.

1476449_596572510378539_896595561_n

xulka-qaranka08

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cayaarta waqtiga loogu talagalay ay ku dhammaatay 1 iyo o oo ay ku adkaatay kooxda Tanzania.

Waa guul daradii labaad oo Soomaaliya ka soo gaarta tanka xulalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Labada xul ayaa muujiyay cayaar aad u adag, waxaana kooxda Soomaaliya ay la cayaari doontaa cayaarta seddaxaad kooxda Zambia oo ay ku wada jiraan Group B.

Waxaa hadda socota cayaar dhexmareysa kooxaha Zambia iyo Burundi waxa ay mareysaa 0 iyo 0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here