Maxay kawada hadleen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti?

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xasan Shiikh Maxamuud Iyo Ismaaciil Cumar Geele, oo kulan gaar ah ku qaatay xaruunta madaxtooyada Jabuuti ayaa waxay kawada hadleen kaalinta ay Jabuuti ku leedahay soo celinta amniga iyadoo dhinaca kalena lagu xusay howlaha culus ee horyaala Xukuumada madaxweyne Xasan Shiikh.

Kulanka labada madaxweyne oo ahaa mid gaar ah islamarkaasna kadhacay qasriga madaxweynaha Jabuuti, ayaa madaxweynaha Jabuuti waxa uu tilmaamay in waqti adag iyo jaanis wanaagsan labadaba ay horyaalaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh oo kahadlay kulanka ayaa carabka ku xoojiyay inay umahadcelinayaan Jabuuti doorka ay marwalba ka qaadato dib udhiska iyo xasilinta dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmuud ayaa lagu wadaa maanta inuu soo booqdo Marsada ama dekada Jabuuti iyo meelaha kale oo ay jabuuti kasamaysay horumarka wax ku oolka ah sida xaruunta farsamada qadka isgaarsiinta taleefanada iyo goobo kale.

Booqashadan madaxweynaha Soomaaliya oo ah tii ugu horeesay ee rasmiga ahayd uguna anbabaxo dibadda ayaa qaadaneeysa laba maalin iyadoona qayb kanoqon doonta booqashooyin rasmi ah oo ugu bilaabatay Jabuuti, waxaana sidokale lagu wadaa inuu gaaro magaaloyinka Nairobi iyo Adis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here