Maxay ka yiraahdeen R/wasaaraha iyo Madaxweynaha shirka odayaasha dhaqanka maanta ka furmay Muqdisho

Kulan ay ka qeybgalayaan odaydhaqameedyo laga soo kala xulay qeybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugaga furmay magalaada Muqdisho.

Shirkan ayaa ujeedadiisu waxa ay tahay in lagu soo xulo ergada ansixineysa dastuurka iyo sidoo kale sidii loo soo xuli lahaa mudanayaasha baarlamaanka ee la qorsheeyey in dhowaan la dhiso.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaasi oo isaguna Khudbad kooban ka jeediyey Xafladda furitaanka Shirka ayaa ugu horeyn xusay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo bilow u ah isbedel ballaaran oo dalka ka hanaqaada,Dhaqankii Soomaaliyeedna ay ku dhanyihiin Caasimadda loogana fadhiyo iney si hufan uga fikiraan aayaha dalkooda.

“Waxaan maanta joognaa marxalad cusub oo aayaha dalkeenna aan si nabad ah Muqdisho uga hadleyno,Sptember 06 ayey aheyd markii madaxda Soomaalidu ay saxiixeen in aayaha dalka loo furo dhabo cusub waana farxad weyn in aan maanta Muqdisho isugu nimid sidii uu dalku u yeelan lahaa Dowlad Cusub”ayuu yiri Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali Gaas.

Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay dhanka kale in Soomaaliya aysan mudo 21sano ah laheyn wax dowlad ah balse 12kii sano ee lasoo dhaafay dalka ay ka jireen Dowladdo KMG ah oo aanay iyagu aduunka xitaa heshiis la geli Karin balse Xukuumaddu ay ka dhabeysay qodobadii la saxiixay 06September taasi oo maanta loo fadhiyo dhabihii looga gudbayey Marxalada kala guurka.

Sidoo kale Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali waxa uu si kooban u sharaxay 8dii bilood ee lasoo dhaafay waxyaabaha ay xoogga saartay Xukuumadda haatan jirta waxaana uu xusay in waxbadan oo ay Ammaanka ugu horeyso wax laga qabtay iyo dhameystirka Dastuurkan cusub oo Diinta Islaamka ay saldhig u tahay,Diin aanan aheyn Islaamna dalka ka jiri Karin hadana weli Umaddu u furantahay inay qabyo qoraalka Dastuurkan wax ka bedeli karaan.

Ra’isulwasaaraha waxa uu dhanka kale ku dheeraaday marxalada maanta la joogo iney muujineyso sidii dalka uu ku yeeshay Dastuurkii 1960kii kaasi oo ay markiisii hore ansixiyeen Ergey kooban Sanad kadibna Shacabka afti looga qaaday,maantana ay ansixindoonaan marka hore Ergey gaareysa 825 oo qeybaha bulshada la tashiyo la sameynaya kadibna marki cadawga dalka laga xoreeyo afti shacabka looga qaadayo.

Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali waxa uu mahad ballaaran u celiyey Geesiyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo iyagu u istaagay iney dalka Cadawga ka xoreeyaan islamarkaana ay iyagu sabab u yihiin guusha maanta la taaganyahay waxaana uu ugu dambeyntii Ra’isulwasaaruhu la dardaarmay Odayaasha Dhaqanka oo uu kula dardaarmay iney si gaar ah uga fikiraan Cida ay usoo xulayaan Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaguna khudbad ka jeediyey Xaflada Furitaanka Shirka Odayaasha Dhaqanka ayaa ugu horeyn Dhaqanka Soomaaliyeed kusoo dhaweeyey Muqdisho iyo Shirkan qiimaha leh waxaana uu Alle uga mahad celiyey Fursadan uu maanta Umadda Soomaaliyeed gacantooda kusoo celiyey aadna uu ugu faraxsanyahay islamarkaana uu rajeynayo in Odayaasha Dhaqanku ay soo saaraan Dowlad Cusub oo dalka Hanata,waxbadanna u qabata Dadka.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhanka kale u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Afrika ee taageeraya waxaana uu xusay in Dastuur la’aan ay tahay Dowlad La’aan,Dowlad La’aanna ay tahay nin in nin walba oo xoogiisa socdo taasina dhibaatadeeda lasoo arkay.

Ugu dambeyntii waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu baaqay qeybaha Bulshada iney taageeraan Dastuurkaan iyo hanaanka hada socda lagamamaarmaanna ay tahay in lagu wada qanco danta Guud,loona tanaasulo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Khudbad ka jeediyey Xaflada ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay inuu jecelyahay inuu odayaasha dhaqanka kusoo dhaweeyo Caasimadda waxaana uu yiri”kusoo dhowaada magaaladiinii”.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo ay Umadda Soomaaliyeed u diyaar garoobeyso iney ka gadubto marxalad kala guur ama KMG ayna u gudbaan marxalad Caadi ah taasina waa wax ay xaq u leeyihiin”ayuu Yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale si kooban uga sheekeeyey dhibaatada ay leedahay KMG sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in si dhibaatadaasi looga gudbo isna laga gudbo KMGnimada shirkanna uu bilowyahay sidii marxaladaasi looga gudbi lahaa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha Dhaqanka ee ku kulansan Muqdisho ay yihiin Dhaqankii saxda ahaa islamarkaana aysan shaki ku jirin in Umadda Soomaaliyeed ay ku qanacsanyihiin waxa ay soo xulaan iyo waxa ay ansixiyaanba waxaana uu xusay inuu rajeynayo iney ku guuleysan doonaan howshooda.

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlay Dastuurka ayuu yiri” majirto ummad noolaan karta dastuur la’aan laga soo bilaabo markii aynu xurnimada qaadanay ilaa hadana aan raadineyno,qabyo qoraalka dastuurkana sida Ra’isulwasaaruhu sheegay hada ayaa nalasoo gaarsiiyey sidaasi darteed waxaan gaarsiin doonnaa guud ahaanba Shacabka dhinac walbo”

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale xusay in Marxaladda la marayo maanta ay tahay marxalad wanaagsan oo aynu u taagannahay Dowladnimo iyo waxdhisid, dowladnimaduna ay tahay waxa qof walba uu ku helayo Xaqiisa si siman oo cadaallad ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in dastuurkan uu aaminsanyahay inuu waxbadan oo wanaag iyo horumar ah dalka iyo dadka u horseedi doono waxaana uu u mahad celiyey dhammaanba xubnihii ku howlanaa qabyo qoraalka dastuurka.

Mar uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed soo hadal qaaday hirgelinta Road-mapka ayaa ayaa sheegay in hirgelintiisu ay meel wanaagsan mareyso maadaama maanta shirka furmay lagusoo xuli doono ergada ansixindoonta Dastuurka kadibna Baarlamaan cusub ay soo xulaan sidoo kalena ay Dowladdu ku guuleysatay Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa soo hadal qaaday in Siyaasadda hada socota hanaankeeda uusan cidna ka xirneyn oo qof walba oo Soomaali ah ay u furantahay xaqna uu u leeyahay balse dadka qaarkood sida ay wax ku raadinayaan aysan habooneyn islamarkaana aysan aheyn wax wanaagsan in ayadoo dan siyaasadeed la fiirsanayo dadka fowdo iyo burbur loo horseedo taasina natiijada ay leedahay ay Umadda ka dheregsantahay maanta.

Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka hadlay barnaamijyada horumarinta ah ee dalka lagu hormarinayo ee ay Dowladdu wado waxaana uu xusay in Dowladdu hada ay ka go’antahay dhameystirka horumarinta dalka oo ay ugu horeyso KMGnimada oo dalka laga saaro islamarkaana maanta ay Shacabka Soomaaliyeed iftiinkeedii haayaan maadaama ay jiraan horumarro laga gaaray dhinacyada Ammaanka,Siyaasadda, arrimaha Bulshada iyo dhinacyo kale badan horumarradaasina ay horseedeen in dalka lagu qabto shirkan maanta,dowladihii horey dalalkooda ugu martigelin jireyna Shirarka Soomaaliya quseeyana ay maanta mudan yihiin Mahad celin.