Maxay ka tiri Dkgaarka ah ninkii haystay dhalashada Ingiriiska ee lagu qabtay Muqdisho?+(Sawiro)

Dowlada kumeelgaarka ah ayaa go’aan ka gaartay nin la sheegay in uu ka soo jeedo dalka Ingiriiska oo lagu qabtay dhowaan garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo 45jir ah laguna magacaaboo Clive Denis Everton ayaa waxa uu wareysi kadib sheegay in uu doonayay in uu helo meel uu ku nasto oo si dalxiis ah u joogo muddo bil ah. Everton ayaa sheegay in uu u doortay magaalada Kismayo inay tahay meel degen oo cadceed leh.

Hase yeeshee Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda KMG Soomaaliya Gen. C/llaahi Maxamed Gaafow ayaa wuxuu sheegay in dib dalkiisa ugu celin doonaan ninkan ajnabiga ah.

Gen. C/llaahi Maxamed Gaafow Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda KMGs ayaa wuxuu sheegay in ay baaritaano dheeri ah ku sameeyeen ninkaan ay  qabteen oo watay dhalashada wadanka ingiriiska balse asal ahaan ka soo jeeda wadanka Jamaica.

Wuxuu intaa ku daray in ninkan ay baaritaan dheer ku sameeyeen ayna ku waayeen wax cadayn ah sidaa darteedna ay dalkiisa dib ugu celinayaan, isagoo xusay in ninkaan laga yaabo in dalkiisa uu dambi ka soo galay sidaa darteena ay dani biday inuu ku soo gabaad sado Soomaaliya balse hadda ay u musaafurinayaan dalkiisa.