Maxay ka hadleen xalay Madaxwenaha cusub iyo madaxweynihi hore [Sawiro]

Waxaa xalay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kulan gaar ah ku yeeshay madaxweynaha cusub Xasa Sheekh Maxmud iyo madaxweynihi hore Sharif Sheekh Axmed.

Kulanka oo sidoo kale uu ka qeybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu ahaa mid albaabada u xirnaa, waxaana arinta ugu weyn ee looga hadlay ka mid ahaa sidi loo sameyn lahaa xil wareejinta iyo qaabka ugu wanaagsan uu madaxweyne Shariif arrimaha amaanka kala shaqeyn lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu si weyn ugu balan qaaday Xasan Sheekh Maxamuud inuu wixi qibrad ah ee dhanka amaanka ku biirin doono si loo sii hagaajiyo arimaha dhinaca amaanka.

Sida ay sheegayaan wararka waxaa ay isla garteen maalinta la qaban doono caleema saarka madaxweynaha cusub, hase ahaatee xog dhab ah kama helin taasi walow wararka qaar ay sheegayaan in Jimcaha loo maleynayo.

Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa inuu 24-ka saac ee soo aadan uga guuro xarunta madaxtooyada isaga iyo qoyskiisa, walina ma kala cad inuu Muqdisho daganaan doono iyo inuu qoyskiisa u rari doono dibada.


 


 


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here