Maxay Hilary Clinton kala hadli doontaa madaxda Kenya iyo Somalia

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton oo saakay ka dagtay magaalada Naiorbi ee caasimada dalka Keny ayaa la filayo in ay la kulanto madaxda Soomaaliya iyo Kenya.

Safarka ay haatan ku joogto Kenya ayaa ah lugti labaad ee booqashada ay ku mareyso Africa, iyadoo madaxda Kenya iyo Somalia kala hadli doonto arrimo quseeya amniga gobolka Geeska Africa iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Clinton, oo shalay booqatay dalalka dariska la ah Kenya ee Uganda iyo Sudan ayaa kulanka koowaad la qaadan doonto madaxweyne Mwai South Sudan, kadibna arki doonta Ra’isulwasaare Raila Odinga.

Intaasi kadibna waxay usoo jeesan doontaa hogaamiyaasha Sooamaalida, iyada oo ka bilaabi doonta madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Sheekh Shariif iyo madaxda akle ee Soomaalida.

Waxay wadahadalada diirada ku saari doonaan soo dhameynta sideeda sano ee ay Soomaaliya ku jirtay kumeelgaarnimada, arimaha musuq maasuqa iyo horumarinta dhinaca siyaasada ee dowlada cusub.

Booqashada Hilary Clinton ee dalka Kenya ayaa kusoo aaday xili magaalada Nairobi xalay lagu dilay hal ruux sagaal kalana lagu dhaawacay marki qof is miidaamiyey uu isku qarxiyey xarun ciidan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here