Maxay ciidamada Isgarabsanaya u gali la,yihiin Kismayo ?

Waxaa saakay xasiloon xaalada guud ee Magaalada Kismaayo kadib marki ay xalay dadka ku waabariisteen isagoo meesha ka maqan maamulka Al Shabab.

Mudo sadex sana ah kadib Al Shabab waxa ay isaga baxeen Kismaayo shalay aroorti hore taasi oo u muuqata mid albaabka u xaareyso in ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada ay qabsadaan.

Hase yeeshee su,aasha taagani ayaa ah maxaa ka hor istaagsan in ay qabsadaan ciidamada isgarabsanaya fariisimihi ay farujiyeen Al Shabab, su,aashaasi waxaa ka jawaabay Abaanduulaha Ciidanka Milatariga Dowlada Soomaaliya, General Dhagabadan.

“Horta ciidamada isma soo wada gaarin, waxaa kale oo aan warbixin ku heynaa in dhulka dhan uu wada miineysanyahay gaar ahaan meelihi ay dagi lahaayeen ciidamada Dowlada, amaankana marka hore la sugo, marka waxaan qabnaa magaalada marka hore in shacabku xasilo aanan xabado ka dhicin,” ayuu yiri.

Mar uu ka jawaabay su,aal aheyd ciidamada Dowlada waxaa uga badan Kismaayo kuwa Jabhada Raaskambooni ayuu sheegay in waxa Kismaayo qabanaya ay yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya, isla markaana uusan aqoonin wax la yiraahdo Urur ama Jabhad.

“Anaga waxaan rabnaa qaab Dowladeed in aan howsha ku qabano waxaad sheegeyso waxba inooguma jiro, ciidankeenu waa 3,000 oo askari wax urur la yiraahdana ma jiro waa ciidanka Dowlada, ayuu yiri.

Ciidamadi Al Shabab ayaanan wali la ogeyn halka ay aadeen, waxaana dadka deegaanka ay dhagaha u taagayaan xaalada magaalada iyo waxa ay la imaan doonaan ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here