Maxamud C. Gabeyre oo loo doortay gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed

Kulan ay maanta isugu yimaadeen magaalada Muqdisho ganacsatada Soomaaliyeed ayey ku doorteen hogaan cusub oo uu gudoomiye ka noqday Maxamuud C/karin Gabayere.

Ka hor inta aysan dhicin doorashada gudoomiyaha ayey ganacsatada u codeeyeen xeer hoosaadka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed kaasi oo ay wada ansixiyeen.

Tartanka xilka gudoomiyaha ayaa waxaa isu soo taagay laba musharax oo kala ahaa Axmed Macalin Isaaq iyo Maxamuud C/kariim Gabeyre, waxaana cod gacan taag ah kadib si weyn ugu guuleystay Gabayre.

Hadal uu goobta ka jeediyey ayuu Mr. Gabayre ku balan qaaday inuu hagaajin doono habka ganacsi ee rugta iyo howlaha horyaala ee la xiriira ganacsiga.

Waa shirwyenihi ugu horeeyey ee ay ganacsatada Soomaaliyeed ku yeeshaan magaalada Muqdisho mudo sanada ah.

Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maxamuud C. Gabeyre ayaa horay u ahaa gudoomiyihi hore ee Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.