Maxamed Xasan Maxamed oo galay kaalinta 13-aad{sawiro}

Ciyaar kamid ah ciyaaraha orodka ee Olompicada aduunka ee ka socda magaalada London ayaa waxaa ka qayb galay Orodyahanka Soomaaliya u metelaayey tartankaasi Maxamed Xassan Maxamed.

Maxamed ayaa orday 1,500-Meter. Asagoona si weyn u muujiyay orad dheer oo dadka Soomaaaliyeed oo dhan meel waliba ay joogaan ay si aad ah ugu farxeen

Maxamed Xassan Maxamed oo si wanaagsan u orday ayaa galay kaalintii 13-aad, waxaana ka dambeeyey hal ciyaartoy oo isagu galay kaalinta 14-aad, marka loo eego ciyaartoy gaaraysa ilaa iyo 14, ciyaaryahan oo ay wada ordayeen xidigaan.

Maxamed marka loo eego ciyaartoyda garoonka kula jirtay oo ahaa kuwo mudo dheer ku soo dhexjiray ciyaarahaan oo horay guulo badan u soo gaaray ciyaaryahankaan Soomaaliyeed wuxuu keenay guul lagu farxo.

Samsam Maxamed Faarax oo iyadana ah gabar metelaysa Soomaaliya ayaa shalay gashay kaalinta 7-aad kadib markii ay ka qaybgashay tartanka 400-Meter.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here