Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku geeriyooday Jarmalka

 

Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku geeriyooday Jarmalka
Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku geeriyooday Jarmalka

Fannaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa saakay aroortii ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.

Geerida Tubeec waxaa warbaahinta u xaqiijisay fannaanadda Faadumo Duur oo ahayd xaaskii hore ee Tubeec, iyadoo sheegtay inuu fannaanka in muddo ah xannuunsanayay.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Tubeec.

“Maanta quluubteennu waxay la jirtaa fannaankii weynaa ee Maxamed S. Tubeec “Boqorka codka” oo geeriyooday, Waxa uu u adeegay ummadda, ayuu raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ku yiri qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter.

Tubeec wuxuu ahaa fannaan si weyn looga yaqaanno gayiga Soomaaliya, wuxuuna ku caan-baxay magaca ‘Boqorka Codka’.

Wuxuu fanka billaabay 1950-meeyadii.

Tubeec wuxuu leeyahay heeso badan oo isugu jira waddani, jaceyl, guubaabo ammaan, duco iyo heellooyinka qaraamiga ah.

Wuxuu ka tirsanaa hobollada Waaberi ee hoggaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliya.

Heesaha uu qaaday waxaa ka mid ah Nasteexo, Alla Maanta ayaanta, Heesta Sanadka iyo Waqti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here