Maxamed Mursi oo sheegtay inuu ku guuleystay doorashooyinka Masar

Murashaxa xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka Masar Mohamed Mursi ayaa sheegtay inuu ku guuleystay doorashooyinka madaxtinmada dalkaasi iyadoo wali ay socoto tirinta doorashooyinka.

Doorashadaan oo aheyd tii ugu horeysay oo xor ah oo ka dhacdo Masar mudo sanada ah ayaa waxaa Mursi uu kula tartamay wareegii labaad murashaxa kale ee ka socda dadka u janjeera xagga cilmaaniga Ahmed Shafiq.

Laakin natiijooyinkan hor dhaca ah ayaa kusoo aadaya iyadoo milatariga xakuma haatan dalka ay soo saareen xeerar iyo qawaanin siinaya inta badan awooda dalka Masar iyo iyadoo dhawaan ay kala direen baarlamaanka.

Inkastoo ay Ikhwaanka sheegteen guusha doorashada hadana waxaa arintaasi diidan Ahmed Shafiiq oo sheegay in kooxda ay afduubayaan doorashada iyadoo aanan natiijadii la ogaan.

TV-ga qaranka Masar ayaa tabinaya sheegashada guusha doorashada ee labada dhinac, hase yeeshee gudiga rasmiga ah ee doorashooyinka wali war cad muusan sheegin.

“ILAAH ayaa mahad leh oo shacabka Masar ku hogaamiyey dariiqa xoriyada iyo dimoqraadiyada iyo in Masar ay u midowdo gaaritaanka mustaqbal wanaagsan,” ayuu yiri Mursi oo kumanaan taageerayaashiisa ah la hadlay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.