Maxamed Mursi iyo Axmed Shafiq oo u muuqda in ay ku tartami doonaan wareeg labaad

Natiijooyin hordhac ah oo kasoo tifqay gudiga doorashooyinka dalka Masar ayaa muujinaya in ay aad isugu dhawyihiin musharaxa Ikhwaanul Muslimiinka Mohammed Mursi, iyo Ra’isulwasaarihi hore Ahmed Shafiq.

Sida ay muujineyso natiijooyinka hordhaca ah Mr. Mursi ayaa haatan leh codad dhan 26% halka Mr Shafiq uu isla halay 24%, hadii sidaana ay kusii socoto waxay u muuqataa in labadani nin ay ku tartami doonaan wareeg labaad oo kala bax ah.

In ka badan 11,000 oo goobood oo ka mid ah 13,000 xarun oo lagu tuurtay codbixinta ayaa natiijooyinkooodii la shaaciyey, xilli shacabka ay aad ugu riyaaqsanyihiin doorashooyinki ugu horeeyey oo xor ah oo dalkooda laga qabto.

Tirinta cod bixinta ayaa qaarkoob lagu wadaa in lagu celiyo si loo hubiyo, waxaana natiijada kama danbeysta ah lagu dhawaaqi doonaa 29 May.

Ninka ka socda xisbiga nationalist-aha Hamdin Sabbahi, ayaa ku jira booska sadexaad isaga oo taageero ka helay dhalinyarada kacdoonka ee riday madaxweynihi hore Husni Mubarak.

Gudiga doorashooyinka ayaa sheegay in Mr Sabaaxi uu si weyn u hogaaminayo magaalada Alexandria oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Masar.

Musharaxa kale ee Islaamistaha ah Abdul Moneim Aboul Fotouh ayaa ku jiro kaalinta afraad, halka shanaadna uu soo galay hogaamiyihi hore ee Jaamacada Carabta Amr Moussa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.