Maxamed Dheere oo Eedeyey Maamulka Gobolka Banaadir

Kadib qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee uu ka badbaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ahaa Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed dheere waxa uu ku eedeeyay qaraxii shalay lagu weeraray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in ay tahay in mas’uuliyad darro ka dhalatay Maamulka gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere ayaa tilmaamay in maamulka gobolka uu ka gaabiyay la shaqeynta Hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, maadaama mar waliba Maamulka uu xil ka saaran yahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo dadka ku sugan sida uu hadalka u dhigay.

Max’ed Dheere ayaa waxa uu intaasi ku daray in xilligii uu ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir xaaladdu ay aad u adkeyd xaaladda dhinaca ammaaanka marka loo eego hadda, isagoo carabka ku dhuftay inaysan dhicin in weerar lala habeysto hoggaankii dalka igu sareeyay islamarkaana meelo fog fog ay ka dhici jireen qaraxyada.

Hadalka Maxamed Dheere ayaa ka dambeeyey xilli uu shalay qaraxyo ismiidaamin ah ka badbaaday Madaxweynaha cusub ee Jambhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here