Maxamed Dheere: Hala oodo xuduuda dhan si aysan u baxsan carabta nagu soo duushay

Siyaasiga Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya in ay xiraan dhamaan xuduudaha dalka uu la wadaago dalalka dariska ah.

Wareysi uu siiyey mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay Maxamed Dheere in hadii la xiro xaduudaha ay taasi sahleyso in la qabto dagaalyahanada ajnabiga ah ee ka bar bar dagaalama Al Shabaab oo uu sheegay in ay haatan isku dayayaan in ay baxsadaan sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada AMISOM waxaan ka codsanayaa in ay soo xiraan xuduudaha dhan, hadii lasoo xiro xuduudaha meel ay u bixi karaan ma lahan, dadki Carabta ahaa ee nagu soo duulay mar hadii Muqdisho laga qabtay meel ay u bixi karaan malahan, caruurtaan la qadayna dadkooda ayey raacayaan marka ay daalaan” ayuu yiri Maxamed Dheere.

Dhanka kale Maxamed Dheere ayaa ka hadlay howlgalki ay ciidamada dowlada kula wareegeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Horta guud ahaan umada Soomaaliyeed ee ka hoos baxay kuwi nabad diidka ah ee maanta soo gaartay xornimada waan u tahniyadeynaa gaar ahaan dadka reer Balcad, degmooyinka kale ee sideeda ahna waxaan leeyahay mar dhaw waa la idin xureynaa” ayuu yiri.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa dhawaan la wareegay degmada Balcad oo 32-km u jirto magaalada Muqdisho dhanka Waqooyi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. kkk I enjoy maxamed dheere hadaladiisa aad buu iga qosliyaa runti,waxa uu ku fiicnaa in xukunka meel looga dhiibo si uu nooga qosliyo sida midkii yiri basaborka Soomaaliya waxaa isticmala chinise.

Comments are closed.