Maxamed Dheere: Dastuurka waa in lasoo hor dhigayaa dadweynaha

Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay ku baaqay in dastuurka la hor geeyo shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aysan odayaasha ansixin.

Maxamed Dheere oo horay usoo noqday duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadka ay go,aan ka gaaraan qodobada ka hor imaanaya diinta iyo dhaqanka.
“Waa in dadka la tusiyo waayo hadii aanan dadka la tusin ma qancayaan, marka aniga waxaan qabaa dowlada in dastuurka ay dadka usoo bandhigaan si dadka u tilmaamaan qodobada ka hor imaanaya diinta Islaamka,” ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay amaanka caasimada iyo sida ugu haboon ee wax loogaga qaban karo.

“Dadka naftiisa iyo hantidiisa in la badbaadiyo dowlada ayaa mas,uul ka ah taasi muran kama taagna, hadii dhib jirana dowlada ay shacabka kaashato marka shacabka dowlada waa inuu ku gacan siiyo sugida amaanka,”

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa wali la halgameyso sugida amaanka magaalada Muqdisho oo ay gabi ahaanba la wareegto sagaal bilood ka hor.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.