Maxamed Cismaan Jawaari oo loo doortay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa loo doortay Maxamed Cismaan Jawaari, kadib marki uu is casilay Prof. Cali Khaliif Galeydh oo ay isugu soo hareen wareega labaad.

Mr Jawaari oo marki lagu dhawaaqay gudoomiye nimadiisa la hadlay xildhibaanada ayaa uga mahad celiyey dhamaan mudanayaashi doortay iyo xildhibaanadi u tana sulay sida Cali Khalif iyo sadexi musharax ee kale.

“Waxaan u mahad celinayaa walaalkeey Cali Khalif iyo musharaxiinti kale, waxaan ka codsanayaa gudoomiyaha KMG ah inuu sii wado doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad,”

Waxaa goor dhaw bilaaban doona doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad oo ay u taaganyihiin sagaal musharax halka ku xigeenkana labaad iyana la dooran doono ilaa caawa.

Jawaari ayaa ah Prof. ku noolaa xilligi bur burka dalka Norway, waxa uu ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxbarashadiisa hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay isla Afgooye.

Dugsiga sare iyo jaamacada waxa uu uga baxay magaalada Muqdisho, isaga oo jaamacada Umada ka bartay cilmiga Khaanuunka.

Mudadi uu ku sugnaa dibada waxa uu kala soo shaqeeyey Qaramada Midoobay arrimaha qaxootiga, isaga oo sidoo kalana ka mid ahaa ragi kasoo shaqeeyey sameynta dastuurka qabya qoraalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here