Maxakamada sare oo u yeertay labada gudoomiye ee gudiga farsamada

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Ilka Xanaf ayaa amar ku bixiyay in maanta ay maxkamada sare yimaadaan labada la gudoomiye ee gudiga farsamada baarlamaanka Soomaaliya.

Caydiid Ilka Xanaf gudoomiyaha maxkamada sare ayaa sheegay in xubnahaan wax laga waydiin doono sababaha ay u soo celiyeen masuuliyiinta qaar oo ay ugu diideen in ay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Arintaan ayaa waxay ka danbaysay sida la sheegay ka dib markii shalay ay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay kulan kuwada qaateen xubnaha gudiga Farmada iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare isla markaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday is afgarawaa.

Xubnaha Gudiga Farmada ee Baarlamaanka cusub ayaa sheegay sida wararku ay sheegayaan in aysan hortagi doonin Maxkamada sare maanta, oo uu amray gudoomiyaha maxkamada Sare.

Sidoo kale xalay saacadu markii ay ahayd 12:00 Saqdii dhexe taariiqduna ay tahay 26-Agoosto ayaa waxaa ku eg waqtiga gudiga farsamada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Arintaan ayaa ku soo beegmeysa xili madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in liisaska la soo celiyay dacwadooda loo wareejin doono maxkamada sare isla markaana ay go’aan ka gaari doonto..

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here