Maxaad kala socotaa Heerka uu gaarsiisanyahay musuqmaasuqa doorashada Aqalka Sare?

xalwesteWaxyaabaha la yaabka leh ee sanadkaan ka dhacay Doorashada Soomaaliya 2016, ayaa waxaa kamid ah in musharaxa u tartamaya labada aqal uu soo qorto qofka la tartamaya islamarkaasna uu isla asiga ka bixiyo qarashka is diiwaan gelinta.

Meesha uu musuqmaasuqa ugu badan ka dhacay ayaa ahayd doorashada xubnaha aqalka sare kamid noqonaya. xubnaha aqalka sare kamid noqonaya ayaa waxaa soo magacaabayay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Doowlada Federaalka.

Madaxda maamulada iyo kuwa Federaalka ayaa koow soo dooranaya musharaxa xilka kusoo baxaya, kadibna waxaa loo raadinayaa qof magac u yaal ah oo xilka kula tartama.

Qofkaasi waxaa soo xulaya musharaxa weyn laftiisa, waxaana dhaceysa inuu ka bixiyo lacagta Is-diiwaan gelinta, kadibna la siiyo Qarashka kale oo shaqsiyadiisa lagu iibsaday, waxaana sidaas lagu helay Kuraas badan.

Waxaase la-yaab leh in mararka qaarkood qofkii la keensaday uu tanaasulo doorashada kahor oo musharixii weynaa kaliya kusoo haro meeshii, kadibna cod gacan taag ah loogu codeeyo.

Musharixiinta qaabkan lagu doortay waxaa kamid ah Cumar Cabdirashiid, Cabdullaahi Fatraag iyo Muuse Suudi Yalaxoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here