Maxaad ka taqaanaa 10-ka shaqo ee aduunka ugu xun sanadkan 2013?

Warbixintaan ayaa waxaa lagu saleeyay daraasad laga sameeyay Suuqyada dalka Mareeykanka, waxaana warbixintaan ku jirta 10 shaqo oo maanta ah kuwa ugu xun ee laga shaqeeyo, waxayna u kala horeeyaan sida tan.

1-Shaqada Saxaafada:

Mushaar:(3,000$) Bishii

Waa xaqiiq in shaqada Saxafinimada ay tahay tan ugu xun sanadkaan 2013, marka loo fiiriyo qatarada iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan saxafiyiinta ku nool Caalamka guud ahaan, gaar ahaan Soomaaliya.

Shaqada Saxafinimada mar beey ahaan jirtay shaqo ay dad farabadan ku riyoodaan, maxaa yeelay qofka Saxafiga ah waxaa u suurta galaya inuu safari ku kala bixiyo wadamo badan oo Caalamka ka tirsan soona arko waxyaabo badan oo cusub, sidoo kale waxa uu soo gudbinayaa dhacdooyin, Xaflado iyo kulamo markaas dhacaya.

Laakiin markii ay soo baxday Tiknolojiyada, badanaa dadka xiiseeya wararka iyo waxyaabaha la xiriira saxaafada waxaan aragnaa ineey hada aad u daneeyaan ineey booqdaan Wabseedyada halkii ay awal Idaacadaha iyo Telefshinada wararka kala socon jireen.

Sidaas darted waxaa hoos u dhacay Mushaarkii ay qaadan jireen wariyayaasha, waxaana shaqadooda soo food saaray cadaadis, waxaana warbixintaan ay leedahay sanadka 2020 marka la gaaro waxaa aad u yaraan doona shaqada Saxafinimada oo waxay gaari doontaa 6%.

Saxaafada Soomaaliya:

Mushaarka:50-100$

Sidaan ka warqabno ku shaqaynta Mihnada Saxaafada Soomaaliya waa tan dunida ugu qatarta badan, oo wariyayaasha Soomaliyeed waxay la kulmaan dilal iyo xiritaan.

Dilka iyo caburinta ka sokoow, waxa wax lala yaabo ah in Mushaarka ay qaataan wariyayaasha ka shaqeeya Idaacadaha Muqdisho iyo Telefeshinada ay ku shaqeeyaan lacag mushar ahaan u dhiganta 50-100$, halka qaarkoodna ayba ku shaqeeyaan lacag la’aan.

2-Geeda jarista:

Mushaarka:2740$ Bishii

Shaqada geed jarista waxay noqotay mid kamid ah shaqooyinka ugu xun sanadkan 2013, maxaa yeelay waxaa soo baxay qalabyo si fudud loogu jari karo Geedaha, taasna waxay keentay inuu hoos u dhaco mushaarka uu qaadan lahaa qofka shaqadan qabanaya.

3-Shaqada Askarinimada:

Mushaarka(3500$) bishii

Shaqada Ciidanimada waa mid kamid ah shaqooyinka ugu culus dunida, maxaa yeelay Askariga waxaa uu daqiiqad walbo diyaar u yahay in lagu amro inuu galo dagaal ama howlgalo uu naftiisa ku weyn karo.

4-Shaqada Arts-taha:

Shaqada Arts-taha waxaan soo xiganeeynaa tan Soomaaliya, oo aan u aragnay ineey kamid tahay shaqooyinka ays oo wajahday dhibaatooyin farabadan sida ineey soo baxeen qalab wax lagu sawiro laguna riinjiyeeyo, halka kahor tiknolojiyada casriga ah ay Arts-yaasha ahaayeen kuwo iyaga gacantooda inta kusawiro kuna kalareeyo hadana lacag fiican ka heli jiray, laakiin hada waxaa booskooda soo galay rag ku qaraabta Tiknolojiyada.

5-Shidaal qodista:

Mushaarka(3137$) bishii

Qofka ka shaqeya shaqadaan waxa uu u baahanyahay inuu meelo fog fog aado , sida Badaha iyo Saxaraha, waxa uuna shaqeeyaa Saacado farabadan, waxaana uu qofka lakulmaa dhibaatooyin farabadan, sidaas darted waxaa lagu daray mid kamid ah shaqooyinka ugu xun sanadka 2013.

Sidoo kale waxaa soo badanaya dadka isticmaala tamarta laga dhaliyo shucaaca Qoraxda, halkii ay ka siticmaali lahaayeen Naftada, tasna waxay hoos u dhugtay mushaarka shaqaalaha ka shaqeeya shaqadaan.

Lasoco qaybta dhiman goordhow

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here